Wasiirka Shaqada Iyo Arrimah Bulshada oo Booqday Xarun Lagu Tababarayey Dhalinyaro Somaaliyeed

Wasiirka Shaqada Iyo Arrimah Bulshada oo Booqday Xarun Lagu Tababarayey Dhalinyaro Somaaliyeed

Wasiirka Wasaradda shaqada iyo Arrimaha Bulshadda Cabdi weli Ibraahim Sheekh Muudeey ayaa booqday xarun tababar xirfad shaqo siinta dhalinyaradda Soomaaliyeed, xaruntaasi ayaa gacanta ku hayaan maamulka gobolka banaadir.

Maamulka gobolka banaadir oo kaashanaya hay’adda UNHABITAT ayaa dhalinyaradda Soomaaliyeed ee nasiibka u yeelatay in ay ka faa’iideystaan aya laga soo xulay 6 degmo oo laga keenay min 30 dhallinyaro Soomaaliyeed oo gaaraya 180, taas oo ahmiyadda uu leeyahay mashruuca shaqo siinta dhallinyarada ayaga oo ka faa’ideysan doono lana barayo xirfado kala gadisan oo dhanka farsamada gacanta ah.

Dhalinyarada ayaa aad ugu farax sanaa barashada xirfadaha ay halkaas kabarteen waxeyna shegeen inay aad ugu farax sanyihiin mashruucan shaqo siinta Dhalinyaradda Soomaaliyeed.

Booqashada maanta uu ku tagay wasiirka wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada xarunta tababarka lagu siinayay ee lagu magacaabo Dabdamiska Gurmad Magaaladda Muqdisho ayaa waxaa ku wehlinayey qaar kamid ah masuliyiinta wasaaradda shaqada waxaana kamid ahaa: Agasimaha qorsheynta ahna xiriiriyaha mashruuca shaqo siinta dhaliyarada mudane salad huseen abdulle, Agasimaha tababarada ismaciil macalim abdulaahi, Agaasimaha xiriirka guud iyo isgaarsiinta Abdirashiid Abdulahi xaydar, iyo lataliyaasha wasaradda mudane Yusuf Salaad iyo Daahir Xasan Gutaale,

Wasiirka iyo masuliyiinta wasaaradda shaqada Waxaa halkaasi ku soo dhaweeyay gudoomiye ku xigeenka Arrimaha bulshadda ee maamulka gobolka banaadir mudane imaan nuur iikar, xoghayaha gobolka banadir maxamed amiin sheekh iyo gudoomiyaha dhalinyaradda gobolka banaadir Cabdikaafi maxamed makaraan.

Qeybaha kala gedisan uu booqanayey wasiirka wasaradda ayaa lagu soo dhaweenayey si farxadleh oo ay ka muuqatay dhalinyarada baratay Dabdamiska, dhalinyarada Baraneysey Koontaroolka qalabka dhismaha sida Ciida iyo Jaayga, iyo dhalinyarada kujirtay fasalada oo qadanayey casharo kala gadisan oo ku saleysan yihiin qiimaha shaqada ay u leedahay, macalimiinta ayaa u sharaxayey Wasiirka habdhaqanka iyo fahamsiinta dhalinyaradda qiimaha ay leedahay shaqada.

Ugu horeyntii waxa kahadlay booqoshada uu ku yimid Wasirka gudoomiye kuxigeen gobolka banaadir imaan nuur iikar wuxuu yiri “ mudane wasiir waxaa inoo farxad inaad soo booqato midka mid ah mashaariicda ee gacanta kuheyso gobolka banaadir kaaso ah mid hoostaga Wasaradda shaqada iyo Arrimaha bulshada oon ugu faa’iidenayno dhalinyaradda Gobolka banaadir ay noqdaan kuwo xirfado yaqaaan ah anagoo ka faidaysaneyno barnaamijka shaqo siinta somaaliyeed, mudane wasiir tababarkan ayaa socon doona mudo dhan 3 bilood waxana naga gacansiiyey UNHABITAT oo soo dhex marsiisay Mashruucan youth employment Somalia (YES)

Ugu danbeytii Wasiirka Wasaradda shaqada iyo Arrimaha Bulshadda Cabdi weli Ibraahim Sheekh Muudeey oo la hadlayay bahda saxaafadda ayaa ugu baaqay ganacsatada soomaliyeed iyo hey’adaha ajaanibta in eey shaqaaleeyaan dhalinyaradda soomaaliyeed ee soo bartay xirfadaha kala gadisan kuwaas oo eey ka war qabto wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada.

Wasiirka ayaa maamulka gobolka banaadir uga mahdceliyay dadaalkan eey muujiyeen oo ku aadan tababarida dhalin yarada dhanka xirfada ayagoo kaashanaya mashruuca shaqo siinta.

Wasiirka ayaa hey’adaha ugu baaqay ineey u hogaan samaan shuruucda dalka gaar ahaan kuwa ku hoowlan shaqooyinka ama shaqaaleynta taas oo ah in eey siiyaan shaqada shaqsiga muwaadinka Soomaaliyeed.

yes-banaadir-kormeer-0 yes-banaadir-kormeer-1 yes-banaadir-kormeer-2 yes-banaadir-kormeer-3 yes-banaadir-kormeer-4 yes-banaadir-kormeer-5 yes-banaadir-kormeer-6 yes-banaadir-kormeer-7 yes-banaadir-kormeer-8 yes-banaadir-kormeer-9 yes-banaadir-kormeer-10 yes-banaadir-kormeer-11 yes-banaadir-kormeer-12 yes-banaadir-kormeer-13 yes-banaadir-kormeer-14 yes-banaadir-kormeer-15 yes-banaadir-kormeer-16 yes-banaadir-kormeer-17 yes-banaadir-kormeer-18