FARRIINTA WASIIRKA EE MAALINTA CAALAMIGA AH EE SHAQAALAHA 1-DA MAY, 2023

 

Farriinta Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi Iimaan Cige, ee maalinka Caalamiga ah ee Shaqaalada Adduunka 1-da May,2023

Maanta oo ah 1-da May, 2023, waa maalinta munaasabadda Shaqaalaha Adduunka, waxaan hambalyo iyo boggaadin u dirayaa dhammaan Shaqaalaha Soomaaliyeed iyo qoysaskoodaba meel kasta oo ay joogaan. Waxaan idinku boggaadinayaa hawlaha waxtarka iyo tayada leh ee aad ka haysaan goobihiinna shaqo, kuwaas oo kaalin mug leh kaga jira kor u qaadidda wax-soosaarka, kobcinta dhaqaalaha, iyo horumarinta nolosha bulshadeena. Hawlahaas oo ka midho dhalintooda aad maalin walba ku waajahdaan dhabar adayg, karti iyo u dulqaadasho duruufo qalafsan oo ay adagtahay in shaqaale kale oo aan idinka ahayni ku shaqeeyaan.

Maalinta 1da May waxaa dunidda looga dabaaldegayaa in lagu xasuusto looguna mahad-naqo doorka wax ku-oolka ah iyo guulaha ay shaqaalaha u soo hooyaan horumarrada bulsho iyo dhaqaale ee dal kasta. Waa maalin mudan in ay dareemayaan in la xushmaynayo shaqada ay hayaan, lana aqoonsado xuquuqdooda iyada oo sidii loo dabooli lahaa baahiyahoodana la siinayo hortebinta ay leeday

Waxaa muhiim ah in la garowsado hawlka-nimada, adkeysiga, iyo waxtarka shaqaalaha Soomaaliyeed, iyada oo islamarkaasna la garwaaqsanayo saameynta shaqaalahu ku leeyahay horumarinta dhaqan-dhaqaale ee bulshada Soomaaliyeed. Dawladda Federaalka Soomaaliya oo mar kasta si dhow ula socota duruufaha adag ee ay ku shaqeeyaan shaqaalaheennu si ay u gutaan waajibaadkooda shaqo, waxayna si xilkasnimo iyo damqasho ku dheehantahay ugu guntantay oo ku hawlantahay in ay dejiso hannaanka ugu habboon ee wax looga qaban lahaa laguna hagaajin lahaa xaaladaha shaqaalaha Soomaaliyeed. Tusaale ahaan waxa Wasaaraddu ku hawlantahay oo meel gebogebo ah maraya Sharciga Shaqaalaha (Labour Code) iyo Siyaasada Bedqabka iyo Caafimaadka Goobaha Shaqada oo wax wayn ku soo kordhin doona suggidda iyo horumarinta xuquuqda iyo daryeelka shaqaalaheena.

Waxaan qirayaa in Shaqaalaha Soomaaliyeed oo u badan dhallinyaro ay mudanyihiin ammaan maaddaama ay laf-dhabar u yihiin horumarka dalka.

Si loo xoojiyo xuquuqda iyo waxqabadka shaqaalaha, waxaan dardar gelinaynaa dadaalladeenna ku aaddan xoojinta ururrada loo-shaqeeyayaasha dalka, ururrada shaqaalaha iyo ururrada bulshada rayidka ah. Kuwaas oo wadashaqeyntoodu udub dhexaad u tahay abuurista fursado shaqo, cidhibtirka saboolnimada, iyo kobcinta dhaqaalaha.

—Dhammaad—