Wasiiru dowlaha Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ayaa shir-gudoomiyay Shirka todobaadlaha ah ee Agaasime Waaxeedyada.

Muqdisho, May 23, 2022 – Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xil. Yuusuf Maxamed Aadan ayaa shir-gudoomiyay shirka todobaadlaha ah ee Agaasimaha Guud iyo Agaasimayaasha Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS.

Shirkan oo ay ka soo qayb galeen la taliyayaasha wasaaradda, Agaasimaha waaxyaha iyo Agaasimaha guud ee wasaarada shaqada iyo arrimaha bulshada ayaa diirada lagu saaray hawlaha shaqo ee waaxyaha wasaaradda iyo waxyaabihii ugu qabsoomay qorshaha shaqo iyo horumarka laga gaaray howlaha u qorsheysan wasaaradda ee u ballan qaadka Ra’iisul Wasaaraha (Commitments).
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Mudane Cabdullaahi Maxamed Cali ayaa ku soo dhaweeyay Wasiiru Dowlaha Shirka Maanta, wuxuuna u sheegay in meel marinta qorshaha Wasaaraddu uu yahay mid heerkiisu sareeyo, isla markaana ay Wasaarada ay ka gaartay mudnaanta koowaad dhanka Fulinta Qorshaha Tubta horumarinta Arrimaha Bulshada iyo dhaqan gelinta halbeegyada ay wasaaradda u qorsheysay oo ay ka mid yihiin TVET-ka iyo Xeerka Shaqaalaha Soomaaliyeed (Labor Code Somalia).

Gabagabadii Shirka, Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Mudane Xil. Yuusuf Maxamed Aadan ayaa bogaadiyay waxqabadka iyo horumarinta howlaha shaqo ee wasaaradda ka socda, isagoo kula dar daarmay in ay wada shaqeeyaan agaasimayaasha islamarkaana ay u sameeyaan tababaro iyo dhiiri galin shaqaalle hoosaadka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha.
—Dhammaad—