Daawo: Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee Baarlamaanka oo xilka si rasmi ah ugu wareejiyay wasiirka cusub ee wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.

Munaasabad maanta ka dhacday xarunta wasaaradda wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee magaalada muqdisho ayaa waxaa xilalka ku kala wareegay wasiirka cusub ee wasaaradda Shaqada iyo wasiirkii hore ee wasaaradda wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.

Wasiirka cusub ee wasaaradda wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa xilka si rasmi ah ugala wareegay wasiirkii hore ee wasaaradda mudane cabdiwali Ibraahim Sheekh Muudey.

Xil wareejin Molsa 1

Munaasabadan oo aheyd mid si heer sare ah loo soo agaasimay, ayaa waxaa ka qeyb galay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka mudane Mahdi Maxamed Guuleed , Wasiirkii Hore Ee Wasaradda H.E Abdiwali Ibraahim Muudeey Ahna Gudoomiye Ku Xigeenka Barlamanka Federalka Somaliya Wasiir ku Xigeenkii Hore Ee wasaradda Mudane Osman Ibraahim Libaax Wasiirka Cusub Ee Wasaradda Xildhiban Salax Axmed Jamac Wasiirka Ku Xigeenka Cusub Ee Wasaradda Cabdicasiis Carmaan, Xoghaya Joogtada Mudane Xasan Shariif Osman, Agaasimaha Guud  Mudane Maxamed Cadde  Mukhtaar, Guddiga Qaranka ee Shaqalaha  Rayidka Ururuda Shaqalaha Somaliyeed, xilodhibaano  iyo Marti sharaf Kale.

Mudane Maxamed Faarax Ciise Gaashaan oo xilal kale duduwan ka soo qabtay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada iyo Guddiga Shaqaalaha Rayidka ayaa sheegay in maamulkii hore ay wax badan qabteen kan cusubna looga fadhiyo in uu dar dargeliyo howlaha horyaalla.

Xaflada  Waxaa Furay Wasiir Ku xigeenka Wasaradda Shaqada iyo Arimaha Bulshada Xildhiban Osman Ibraahim Libaax asigoo ka hadlay in Wasaradda Shaqada iyo Arimaha Bulshada ee Dulsaar ku aheeyd Wasarado kale eeyna ku shaqeyn Jirtay Labo Qol oo Xafiis ah oo kaliya Hadana Wasaradda ay Leedahay Xarun ay ku shaqeyso Dhismaheeda iyo Qalabkeedana u Dhameystiran yahay

Wasiirkii Hore Ee Wasaradda H.E Abdiwali Ibraahim Muudeey Ahna Gudoomiye Ku Xigeenka Barlamanka Federalka Somaliya oo isna munaasabadda xil wareejinta ah ka hadlay ayaa u mahad celiyay dhammaan shaqaalaha wasaarada doorka ay ka soo qaateey dib dhiska dhimaha wasaaradda ” shaqaalahan ayaa bixiyay lacagahii ugu horeeyay ee lagu bilaabay dib u dhiska wasaaradda. waan jeclahay wasaaradan iyo shaqaalaheeda balse Nasiibka ayaa ii diidan in aa sii joogo laakiin waxaan talo ka soo dhiiban doonaa golaha Baarlamaanka oo ku saabsan horumarinta wasaaraddan” sidaana waxaa yiri Xil. Muudey.

Wasiirkii Hore Ee Wasaradda H.E Abdiwali Ibraahim Muudeey Ahna Gudoomiye Ku Xigeenka Barlamanka Federalka Somaliya ayaa ugu mahad celiyay mas’uuliyiinta wasaaradda sida wanagsan oo ay ula soo shaqeeyeen mudadii uu xilka haayay isagoona ka dalbaday in wasiirka cusub ay la shaqeeyaan wuxuuna carabka ku dhuftay in mudadii uu wasaaradda joogay ay wax badan u qabsoomeen.

Wasiirka Cusub ee Wasaarada oo wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay in loo baahan yahay in si wadajir ah looga qeyb qaato fulinta howlaha u yaalo wasaarada hadii ay ahaan la hedy dhameestirka sharuucda lagu hagayo wada shaqeyta shaqaalaha Soomaaliyeed.

Wasiirka wuxuu balan qaaday in uu si heer sare ah uga shaqeyn doono horumarinta iyo tayeynta shaqaalaha iyo raadinta xuquuqaha ay leeyihiin shaqaalaha oo ay ugu horeyso mushaaraadka.

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xildhibaan Saalax Axmed Jaamac ayaa balan qaaday  in uu halkiisa ka sii wadi doono, isla markaana ka codsaday howlwadeenada Wasaaradda inay gacan ku siiyaan howlaha loo idmaday.

Ra’iisulwasare ku xigeenka Xumuumada Soomaaliya Mahdi Axmed Guuleed ayaa tilmaamay waxa laga sugaayo Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada iyo hogaanka Cusub.

xaflada Xil wareejinta MOLSA 0 xaflada Xil wareejinta MOLSA 1 xaflada Xil wareejinta MOLSA 2 xaflada Xil wareejinta MOLSA 3 xaflada Xil wareejinta MOLSA 4 xaflada Xil wareejinta MOLSA 5 xaflada Xil wareejinta MOLSA 6 xaflada Xil wareejinta MOLSA 7 xaflada Xil wareejinta MOLSA 8 xaflada Xil wareejinta MOLSA 9