Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS oo soo xiray tira-koobka Shaqaalaha Rayidka Dawladda .

Muqdisho ,Maarso, 12, 2023 – Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ahna Guddoomiyaha guddiga kor-jogteynta tirakoobka
, Mudane Cabdullaahi Maxamed Cali ayaa galinkii dambe ee Sabtidii shalay soo gabagabeeyay tirakoobka Shaqaalaha Rayidka Dawladda.

Tira-koobka Shaqaalaha Rayidka Dawladda ayaa socday muddo bil iyo bar ah , kaa oo soo billowday 1-dii bishii Febaraayo,2023 – iyadoo ujeeddada tahay in la xoojiyo isla-xisaabtanka iyo hufnaanta Shaqada.
“ Waxay ahayd Shaqo muhiim u ah qaranka ,waxaana boggaadinaya labada guddi ee Shaqada sida wanaagsan ku soo gabagabeeyay.” ayuu yiri Agaasimaha Guud ,Cabdullaahi Maxamed Cali oo intaa ku daray “Ujeeddadu waa in la xaqiijiyo isla-xisaabtan , daahfurnaan iyo hufnaanta Shaqada.”

Gabagabadii, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS, Mudane Cabdullaahi Maxamed Cali ayaa sidoo kale rajo wanaagsan ka muujiyay in warbixinta Guddiga ka soo saari doonaan tirakoobka inay noqota mid wax tar u leh Dawladnimada iyo adkeynta isla-xisaabtanka Hay’adaha Dawladda, si dhaqso ahna loo soo bandhigo doono.

—Dhammaad—