Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa daahfurtay Saladda Wax-soosaarka Bulshada ee Soomaaliya (Productive Social Safety Net Program Design for Somalia).

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya , Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa daah furay saladda wax soo saarka bulshada ee soomaliya , munaasabadan ayaa ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimay waxaana kaso qayb galay Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaalka , Xildhibaannada labada gole ee Baarlamaanka , Wasiirrada Dawlad-gobolleedyada, wakiillo ka socda hay’adaha Dawladda iyo kuwa QM.

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Iimaan Cige ayaa sheegay in Saladda Wax-soosaarka Bulshada ee Soomaaliya (Productive Social Safety Net Program Design for Somalia) in ay qeyb ka tahay qorshaha iyo dadaallada ay Wasaaradda ku dooneyso dhimista faqriga , iyadoo la xoojinayo wax soosaarka Bulshada.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Cali ayaa ku soo dhaweeyay ka qeybgalayaasha daahfurka Saladda Wax-soosaarka Bulshada ee Soomaaliya (Productive Social Safety Net Program Design for Somalia) wuxuna ka hadlay ujeeddada laga leeyahay daahfurka hannaanka Saladda Wax-soosaarka Bulshada ay tahay in Dawladda taageerro siiso Bulshada , iyadoo lagu dhiirrigelinayo wax-soosaarka dalka.

Dhan ka kale madaxa barnaamijyada ee Hay’adda FAO Mudane Ezana G. Kassa ayaa yiri
“ Waxaan u mahadcelineynaa dhammaan saaxiibadayada taageeradooda wadajirka ah ee Soomaaliya waxaan ku faraxsanahay inaan maanta halkan imaaday si aan u caddeeyo muhiimadda uu leeyahay barnaamijka Saladda Wax-soosaarka Bulshada ee Soomaaliya (Productive Social Safety Net Program Design for Somalia) ee ay hormuudka ka tahay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS oo kaashanaysa hay’adaha kale ee caalamiga ah.”

Madaxa barnaamijka qaran ee Ilaalinta Bulshada Baxnaano Marwo Fardowsa Axmed Cabdullaahi ayaa warbixin guud ka bixinaysay daahfurka Saladda Wax-soosaarka Bulshada ee Soomaaliya (Productive Social Safety Net Program Design for Somalia) iyo waxqabadka barnaamijka Baxnaano waxayna soo bandhigtay arrimaha u baahan in wax laga qabto.

Gabagabadi munasabada ayaa si rasmi ah loo soo xiray , iyadoo Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS , Mudane Biixi Iimaan Cige oo u mahadceliyay qaban-qaabiyaasha munaasabada iyo ka qeybgalayaasha .