Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo kulan la qaatay Madaxda Sare ee Hay’adda WFB

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ayaa magaalada Muqdisho gaar ahaan xarunta Wasaaradda ku qabatay kulan looga hadlayay  horumarinta howlaha shaqo ee ka dhaxeeya Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada iyo Hay’adda WFP.

 

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Cabdullahi Maxamed Cali oo kulankaasi shir guddoominayay ayaa sheegay in ay muhiim tahay in la iska kaashado, lana dardargeliyo wada shaqeynta hay’adaha ku shaqada leh Ilaalinta  bulshada sida (WFP),  iyo sidii la isaga kaashan lahaa dejinta istaraatiijiyada fog iyo qaabka ay wasaaraddu ula wareegi doonto maamulka Mashaariicda la xiriira Ilaalinta bulshada ay gacanta ka geysato WFP.

 

Wafdiga WFP ee soo gaaray wasaaradda ayaa waxaa hogaaminayay Mr. Syed Razak oo aad ugu farxay soo dhaweynta loo sameeyay, wuxuuna u mahadceliyay agaasimaha guud iyo mas’uuliyiintii ka soo qeybgashay kulanka.

 

Dhanka kale, Hay’adda WFP oo wadda dadaal ay ku dardar galineyso hormarinta iyo Ilaalinta bulshada, maadama hay’addani ay wadanka  ka fuliso hawlo Muhiim ah oo dan u ah  bulshada Soomaaliyeed idil ahaanteed.

 

Gaba gabadii Wasaaradda iyo Hay’adaha WFP ayaa isku afgartay in laga wada shaqeeyo Ilaalinta bulshada Soomaaliyeed.