Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS oo booqday Wasaaradda Qorsheynta oo uu ka socdo tira-koobka Shaqaalaha Rayidka

Muqdisho,February, 26, 2023 – Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS, ahna guddoomiyaha guddiga korjoogtaynta iyo kormeerka habsami usocodka tirakoobka Shaqaalaha Rayidka Dawladda , Mudane Cabdullaahi Maxamed Cali ayaa maanta kormeer shaqo ku tegey xarunta Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha XFS, iyadoo uu halkaa ku soo dhaweeyay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha XFS, Mudane Asad Yusuf Qanyare.

Ujeeddada kormeerka ayaa la xiriirtay u-kuurgelida habsami u socodka tira-koobka Shaqaalaha Rayidka ee Wasaaradda Qorsheynta, waxaana warbixin la xiriirta sida uu ka socda tirakoobka Shaqaalaha Rayidka ee hay’adaha Dawladda ka siiyay xubnaha guddiga farsamada iyo kor-joogteynta ee halkaa u sugnaa.

“Waxaan boggaadinaya shaqada guddiga farsamada ee tirakoobka Shaqaalaha, ujeeddadu waa in la xaqiijiyo isla-xisaabtan , daahfurnaan iyo hufnaanta Shaqada.” ayuu yiri Agaasimaha Guud , Mudane Cabdullaahi Maxamed Cali.

Tirakoobkan oo soo billowday 1 bishan February,2023 ayaa noqonaya midkii saddexaad ee madax ka tirinta Shaqaalaha Rayidka Dawladda, kaas oo lagu samaynayo dhammaan Shaqaalaha Rayidka Dawladda.
—Dhammaad-