shir looga hadlayay siday wada shaqeyn toos ah u yeelan lahaayeen hay’adda UNDP iyo Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ayaa ka dhacay magaaladda Muqdisho.
Waxaa xarunta Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada lagu qabtey shir wada tashi oo qayb ka ahaa wada shaqeynta u dhaxeysa hey’adda UNDP iyo Wasaaradda shaqada, Waxana kulankaas shir gudoominayay Wasiirka Wasaaradda Shaqada Xildhibaan Saalax Axmed Jaamac waxaana ka soo qeyb galay Wasiirka Qorshaynta, Maalgashiga& Horumarinta Dhaqaalaha, Mudane Jamaal Maxamed Xasan iyo Saraakiil sare oo hay’adda UNDP ka mid ah uu hogaaminayay Agaasime ku xigeenka (UNDP Deputy Country Director Mr. David Akopyan) iyo mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.
shirkan ay ka qeyb galeen mas’uuliin ka tirsan golaha Wasiirada xukuumadda federaalka iyo hay’adda UNDP ayaa ahaa mid wada tashi iyo isbarasho dhex marta Mas’uuliyiinta sare ee UNDP iyo Wasiirka Wasaaradda Shaqada, waxaa looga hadlay qaabkii loo dardar galin lahaa dib u habeynta sharciga shaqaalaha rayidka ee L11 , Siyaasadda Shaqaalaynta Qaran (National Employment Policy NEP), Tababarada Shaqaalaha Dowladda iyo Shaqo u abuurka dhalinyarada Jaamacadaha ka soo qalin jabisay.
Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Mudane Saalax Axmed Jaamac oo ka hadlay Shirka ayaa yiri “inta uu socday Shirka waxaa lagu lafa guray sidii ay UNDP uga gacan siin laheyd Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada hirgelinta qorsheyaal badan oo ah sidii loo hormarin lahaa howlaha loo egmaday Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada”.
Wasiirka Wasaaradda Shaqada ayaa intaasi raaciyay, in mas’uuliyiintii ka socotay UNDP ay sheegeen in ay kaalin mug leh ka qaadanayaan qarashka lagu hirgelinayo qorshaha horumarineed ee haatan horyaalla Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.
Kulanka ayaa kusoo dhamaaday jawi farxadeed, ayadoo ay labada dhinacba ay ku ballameen wada shaqeyn hufan.