WASIIRKA KU XIGEENKA WASAARADDA SHAQADA IYO ARRIMAHA BULSHADA  OO KULAN GAAR  AH LA QAATAY DADKA BAAHIYAHA GAARKA AH QABA EE (NAAFADDA).

Waxaa xarunta Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Magaalada Muqdisho lagu qabtey  Kulan qayb ka ah la tashiyada Dadka Baahiyaha gaarka ah qaba ee (Naafada ) Waxana kulankaas ka qayb galey  Wasiir  ku xigeenaka Wasaarada Shaqada  Xildhibaan  Cabdicasiis Saalax Armaan,  Xoghayaha Joogatada  Wasaaradda Mudane  Xasan Shariif Cusman iyo Agaasimayaasha Waaxyaha Wasaaradda ee u qaabilsan   daryeelka Naafada Soomaaliyeed iyo Masuuliyiin ka tirsan Golaha  Naafada Qaranka   uu hor kacayay Cabdullaahi Macallin Axmed (Timo-cadde) Guddoomiyaha Golaha Naafada Qaranka Soomaaliyeed.

Kulankaan oo ay si Wadajir u soo qaban qaabiyeen  Waaxda Nafada iyo Waaxda Daryeelka Naafada Wasaaradda iyo Golaha Naafada Qaranka Soomaaliyeed   ayaa waxaa  si weyn loogu lafa gurey sida mas’uuliyiinta dowladda iyo Bulshada Soomaaliyeed loogu Baraarujin laahi Caawinta Dadka Baahiyaha Gaarka ah qaba .

Ugu horeyntii waxaa halkaa Warbixin ka soo jeediyey  Agaasimaha waaxda  Naafada  Mudana  Shariif Adan Maxamed ayaa yiri “Golaha Naafada Qaranka Soomaaliyeed oo wax badan la soo shaqeeyey Wasaaradda, waxay soo mareen meelo badan oo maamulada dowlada ka mid ah ayagoo raadinaya garab iyo wax qabad”.

Agaasimaha Daryeelka Naafada  Cumar  Xuseen  Caliyoow ayaa warbixinta raaciyay in ay jiraan aqabado badan oo heysata naafada waxuuna yiri “Waxaan rabnaa inaan qoondada noo taalo Hey’adda Bisha Cas ee Turkiga aynu kaga darno taakuleynta Golaha Naafada Qaranka Soomaaliyeed si wax looga qabto cawashada Naafada Soomaaliyeed”.

Kulankaas oo loogu Magacdarey la tashiga  dadka baahiyaha gaar ka ah qaba  waxaa ka hadley Xoghayaha Joogtada   Mudane  Xasan Shariif  Cusman waxuuna yiri “waxaa run ah dhammaan wixii ay inoo sheegay Agaasimayaasha Wasaaradda  intaas iyo wax kale oo ka badanba waxaan diyaar u nahay inaan wax ka qabano cabashadooda”.

Dhanka golaha  Naafada Qaran waxaa u hadlay saddex xubnood ay soo xusheen in ay ku hadlaan magaca Golaha Cabdullaahi Macallin Axmed (Timo-cadde) Guddoomiyaha Golaha Naafada Qaranka Soomaaliyeed,  Sheekh Cumar iyo Cali Adan  Cusman  waxayna yiraahdeen :

“Anagoo ku hadleyna magaca Golaha Naafada Qaranka Soomaaliyeed, waxaan Salaameynaa Wasiir ku Xigeenka Wasaaradda iyo Dhammaan Maamulka Wasaarada oo nagu soo dhaweeyey Shirkaan quruxda badan, waxaan wasaaradda ka rabnaa inay wax nooga qabtaan:

a.  Xuquuqda daryeelka ee ay Naafada Soomaaliyeed ay leeyihiin wax looga qabto si dhab ah oo wax ku ool ah.

b.  In loo sameeyo dhaqaale loogu soo shubo sanduuqooda (Account ) oo aan u soo gudbin doono Wasaaradda goor dhow.

c.  In nalagu gargaaro wixii aqoon leh oo ka mid ah Naafadda Soomaaliyeed sidey shaqo ku heli lahaayeen.

d.  In waxbarasho naloo siiyo intii naga mid ah oo wax baran karta si ay u helaan shaqo ay ku maareeyaan noloshooda waxna ku caawiyaan.

e.  In nala siiyo tababaro ku saabsan xirfadaha ay qaban karaan Naafada

f.   Inaan helno gargaar Caafimaad oo u gaar ah Naafada

Intaas iyo wixii la mid inay noo qabato wasaarada nagalana hadasho Dowlada qeybahooda kala gedisan oo ku lug leh taakuleynta naafada.

Ugu Dambeyntii waxaa Kulankaas  soo Gabagabeeyey  Wasiir ku xigeenka  wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada  xil. Cabdicasis  Saalax  Armaan  oo u Mahadceliyey intii soo qaban qaabisey kulankaan  isagoo sheegey in ay sida ugu Dhaqsiyaha Badan xukuumada iyo Baarlamaanka ugu gudbin doono   Sharciga Caawinta Dadka Baahiyha Gaarka ah qaba ee Naafada Soomaaliyeed ,

“Waxaad ogtihiin in dowladaani u dhalatay shacabka diyaarna u tahay inay wax u qabato dhammaan shacabka Soomaaliyeed oo dhibaateysan gaar ahaan dadka baahida gaarka ah leh sida Naafada Soomaaliyeed”

Waxuu intaa raaciyay wasiir ku xigeenka uu yiri “Waxaan aniga gaar ahaan idiin balan qaadayaa inaan wixii karaankeyga ah wax ka qaban doono Golahiina Naafada Qaranka Soomaaliyeed inta ka horeysana waxaan idinka rabaa inaad iska warqabtaan, wixii dowlad ahaan naga xil saaran waan  ku dadaaleynaa, waxaana mar kasta siinaa mudnaanta koowaad waa idinka  waana soo dhaweyneynaa cawashadiina oo aan diyaarna u nahay inaan wax ka qabano” ayuu yiri  wasiir ku xigeenka  wasaaradda .

 kulanka ayaa ku soo idlaaday jawi farxadeed oo labada dhan ah

Wasiir Arman oo kulan la qaatay dadka Naafada Wasiir Arman oo kulan la qaatay dadka Naafada 13 Wasiir Arman oo kulan la qaatay dadka Naafada 12 Wasiir Arman oo kulan la qaatay dadka Naafada 11 Wasiir Arman oo kulan la qaatay dadka Naafada 10 Wasiir Arman oo kulan la qaatay dadka Naafada 9 Wasiir Arman oo kulan la qaatay dadka Naafada 8 Wasiir Arman oo kulan la qaatay dadka Naafada 7 Wasiir Arman oo kulan la qaatay dadka Naafada 6 Wasiir Arman oo kulan la qaatay dadka Naafada 5 Wasiir Arman oo kulan la qaatay dadka Naafada 4 Wasiir Arman oo kulan la qaatay dadka Naafada 3 Wasiir Arman oo kulan la qaatay dadka Naafada 2 Wasiir Arman oo kulan la qaatay dadka Naafada 1