Shir ay maanta wada yeesheen Mas’uuliyiinta sare ee wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo uu shir-guddoominayey wasiirka wasaaradda Mudane Saalax Axmed Jaamac. Ayaa waxa looga hadlayey cilmibaasir lugu sameeyey sare u qaadida heerka tababar ee shaqaalaha Dowladda waxaana Diirada loogu saaray in Sare loo qaado Tababarada Wasaradda ee ku saabsan Shaqaalaha Rayidka ee Dowladda .
Wasiirka Wasaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo Shirkaan Furay ayaa Agaasimayaasha iyo Lataliyaashaba u soo jeediyay in Cilmi baarista la sameeynayo ay ahaato mid loo marayo hab Qorsheeysan iyadoona marka hore la Dajinayo Qorshaha Tababarada ee Shaqaalaha Dowladda ka dibna la dhaqan galin doono Furitaanka Machadkii SIDAM ee lagu tabababari jiray Shaqaalaha Dowladda
Yuusuf Salaad “waa in la sameeyo cilmi baaris ku saabsan dhanka Furitaanka SIDAM in la wareeysto Dadkii hore ee ogaaleeyda ahaa ee ka shaqeeyn jiray SIDAM Kana mid ahaa barayaasha Machadka SIDAM ”
Waxaan la isla gartay in la Qiimeeyo qaabka ugu dhaw ee loo furi lahaa Macadkii Tababarka ee Dowladii hore ee ku tababari jireen Shaqaalaha Rayidka Dowladda Soomaaliya Somali Institute Development Adminstration and Management (SIDAM)
Ugu dambeyn Wasiirka ayaa u mahadceliyay lataliyayaasha soo diyaariyay cilmi baarista lagu soo sameeyay taariikhdii ay lahaan jirtay Machadkii SIDAM Wuxuuna yiri “ Waxaan Rajeynayaa in la qabto shirweyne qaran oo ku saabsan tababarada shaqaalaha Soomaliyeed oo isugu imaan doonaan dhamaan Ogaaleydii hore iyo Agaasimayaasha ku hawlan tababarada iyo Aqoonyahano Jamacadaha ka socdo ,Waxaana rajeynayaa in uu ka soo baxo shirkaasi siyaasad qaran oo lagu hormarinaayo Tababarka Shaqaalaha Soomaaliyeed” sidaana waxaa yiri Wasiirka Wasaaradda.