Kulan  laba geesood ah  ay wada qaateen  Wasaaradda Shaqada iyo  Arrimaha Bulshada iyo hay’adda ILO   oo ka dhacay Magaalada Muqdisho  

Kulanka oo ahaa mid labo geesood ah una dhaxeeyay  Wasaaradda Shaqada iyo  ILOda ayaa kaga furmay xarunta dhexe ee wasaarada shaqada iyo arimaha bulshada Magaalada Muqdisho, waxaana shir gudoominaayey Wasiirka  Wasaarada Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Mudane Salax Axmed Jaamac, masuuliyiinta kasoo qeyb gashay shirka waxaa ka mid ahaa Xoghayaha joogtada Xasan Shariif Cismaan,Agaasimaha Guud Mudane Maxamed Cadde Mukhtaar,Lataliyayaasha Waasaradda Yuusuf Salaad Warsame,Agaasime waaxeedyada wasaaradda,dhanka hay’ada ILO waxaa hogaaminayey  Agaasimaha  u qaabilsan ILO  Bariga iyo bartamaha africa  mudane George Okutho,iyo u qaabilsan ILO Soomaaliya Mudane Ilyas Diiriye .

Kulanka ayaa ahaa mid  wada tashi iyo isbarasho dhex martay mas’uuliyiinta kasoo qeyb gashay  waxaa looga hadlay qaabkii loo dardar galin lahaa wada shaqaynta Wasaaradda iyo ILO, Ujeedadiisuna  ahaa u kuur galida iyo ogaanshaha baahida ay qabto Wasaaradda Shaqada iyo Arimaha Bulshada iyo sidii loogu caawin lahaa waxyaabaha ugu muhiimsan .

qodobbada waxaa ka mid ah :

1)            Tababarada shaqaalaha

2)            Dib u habeynta sharciga shaqaalah

    3)          Hormarinta mashruuca shaqada hufan( decent work programme for Somalia).

4)            Sahan ka suuqa shaqada ( Labor market information )

5)            Siyaasada iyo istaraajiyadda ee kuwada shaqayn lahaayeen MOLSA & ILO

6)            Shaqa abuurka dhalinyarada Soomaaliyeed

Ugu horeyntii waxaa ka hadley Wasiirka  Wasaaradda Shaqada Iyo Arrimaha Bulshada Mudane Saalax Axmed Jaamac “aad iyo aad ayaan ugu faraxsanahay In aan maanta  idin ku qaabilo xafiiska wasaarada shaqada,maanta waxaan noo bilaabanaya waji cusub oo wada shaqeynta  ILO iyo Wasaaradda waxaan doonaya wada shaqeyntaasi in ay  ahaato mid ka duwan tii hore oo miro dhal ah , ILO iyo Wasaaradda waxaa ka dhaxeysa wada shaqayn caalami ah”.

wada hadalka kulanka ayaa ahaa mid  xasaasi ah waxaana si furan looga hadlayay  talooyin wax tar leh, Agaasimeyaasha  iyo lataliyeyaasha Wasaardda Shaqada iyo Arrimaha ayaa sheegey in ay fursad weyn u tahay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada kulankani ee la yeelanayaan mas’uuliyinta kasocda ILO “ waxaan rajenayaa in aan wada yeelan  doono wada shaqeyn horumar gaar siisa dhamaan howlaha  wasaaradda iyo ILO  u dhaxeeya” .

Dhinaca kale Agaasimaha ee u qaabilsan ILO-da Bariga iyo bartamaha Africa  fadhigiisuna  yahay dalka  Ethiopia Mudane George Okutho  oo aheyd  markii ugu horeysay ee uu kulan ku yeesho       mas’uuliyiinta Wasaaradda ayaa sheegey in uu aad iyo aad ugu faraxsan yahay la kulanka mas’uuliyiinta Wasaaradda Shaqadda iyo Arimaha Bulshada .

Mudane George Okutho   ayaa ka hadley qodobbo dhowr ah oo ku aadan  socdaalkiisa shaqo uu ku yimid Magaalada Muqdisho wuxuuna sheegey in uu ka rajeynayo Wasaaradda Shaqada Iyo Arrimaha Bulshada wada shaqeyn hormar leh, wax walbo in ay noqdaan wax qorsheesan oo dukuminti leh.

Sidoo  kale wuxuu ka hadlay mashaariicda dhaliyaradda shaqo loogu  abuurayo ee  ( Youth Employment Programme)  sidoo kale wuxuu ka hadley in ay Wasaaradda Shaqada boqol nooc oo mashruuc ah loo hayo shaqaalaha Soomaliyeed ka faa’iideysan karaan, wuxuu kaloo intaa raaciyay in  sharciga shaqaalaha  u hayaan dhaqaale sidii  dib u habeyn loogu sameyn lahaa  hadii aad soo  codsataan ka Wasaarad ahaan.

ILO meeting with MOLSA 7

Ugu dambeyntii wasiirka Shaqada iyo Arimaha Bulshada ayaa ku amaanay agaasimaha bariga iyo bartamaha Africa wada shaqayntii uu lalahaa wasaaradda shaqada wuxuuna yiri “mudane agaasime Gorge booqashada aad noogu timid waa mid taariikhi ah oo fududeyneysa wada shaqaynta dhexdeena hadey  ahaan laheyd shaqaalaha ILO u qaabilsan Soomaaliya  iyo shaqaalaha Wasaaradda,  waxaana  ka fileynaa in ay ka soo baxaan natiijo wax ku oolw ah oo ay ummadda Soomaaliyeed  ku qanci karaan waxaana rajeynayaa shirka Sanad laha ee ILO  dalka  Geneva  aan la tagi doono arragti mideysan oo labada dhan ka timid ” sidaan waxaa yiri  wasiir Saalax Axmed Jaamac.

kulanka ayaa ku soo dhamaaday Jawi is fahan oo labada dhinac ah

ILO meeting with MOLSA 1 ILO meeting with MOLSA 2 ILO meeting with MOLSA 3 ILO meeting with MOLSA 4 ILO meeting with MOLSA 5   ILO meeting with MOLSA 8 ILO meeting with MOLSA 9 ILO meeting with MOLSA 10ILO meeting with MOLSA 6