Agaasimayaasha Waaxyaha Wasaaradda Shaqada iyo arrimaha Bulshada  oo shir ka yeeshay  qorshaha 100 maalmood.

Agaasimaha Qorsheenta ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Mudane Salaad Huseen Cabdulle, ayaa maanta furay kulan ay isugu yimaadeen Agaasimayaasha Waaxyaha ee  Wasaaradda Shaqada iyo arrimaha Bulshada  kaas oo soconayay  mudo hal maalin ah, waxaana looga hadlay qorshaha mudnaanta koowaad u leh Wasaaradda Shaqada iyo arrimaha Bulshada  ee 100-ka maalmood .

Agaasimaha Qorsheenta ayaa sheegay in u jeedka laga leeyahay kulankaan uu yahay dar-dar galinta iyo isku xirka howlaha Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada iyo in la xaqiijiyo adeegyada ay Wasaaradda gaarsiinayso shacabka  iyo xukuumada, sida Yoolka qorshaha  ugu qoran  Wasaaradda :-

 

1. Dib u qaabeynta Shaqaalaha Rayidka ah gaar ahaan tababarida Shaqaalaha  Dawladda,

2. Diyaarinta Siyaasadaha iyo Sharciyada la xiriira  Adeegga Madaniga ah

3. Soo celinta doorka wasaaradda ee korjoogteynta safarrada shaqaalaha dowladda iyo bixinta warqadda fasaxa safar shaqo

4. Joogteynta kormeerka shaqaalaha rayidka ah iyo soo bandhigidda xog joogta ah

5. Dib u habeynta iyo sare u qaadidda tayada Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada

6. Horumarinta Arrimaha Bulshada

7. Arrimaha Maaliyadda

8. Kor u qaadista xiriirka iyo abaabulidda xusaska maalmaha gaarka ah

9. Shaqo abuurista iyo horumarinta xirfadaha

adeegyada asaasiga u ah bulshada ayaa laga dhigay Qorshe Howleedka 100ka maalmood ee Wasaaradda Shaqada & Arrimaha Bulshada sanadka  2017

“Kulankaan ay isugu yimaadeen Agaasimayaasha  waaxyaha ee Wasaaradda Shaqada iyo arrimaha Bulshada, waxaana laysla meel dhigay dar-dar galinta howlaha Wasaaradda Shaqada, waxaana Agaasimayaasha  waaxyaha ka doodayaan waajibaadkii ay ku shaqayn lahaayeen 100-ka maalmood ee  sii socota, waxaana dajinaynaa qorshe lagu qiimaynayo wax qabadkooda, taas oo cadayn u ah inuu jiro isla xisaabtan aan ku wargalinayno Wasiirka iyo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo arrimaha Bulshada hadba meesha wax marayaan” sidaana waxaa yiri mid ka mid ah  Agaasimayaasha Wasaaradda Shaqada iyo arrimaha Bulshada.

 MOLSA Planing 2

Ugu danbayntii Agaasimaha Qorsheenta ee Wasaaradda Shaqada iyo arrimaha Bulshada Mudane Salaad Huseen Cabdulle,  ayaa sheegay inuu garwaaqsan yahay iney jiraan caqabado dhanka dhaqaalaha iyo duruufo adag oo lagu shaqaynayo, isla markaan ay Wasaaradda ka go’an tahay wax qabad iyo in laga soo baxo fulinta qorshaha boqolka maalmood, una soo gudbino mas’uuliyiinta  wasaaradda  wax qabad la taaban karo.

 MOLSA Planing 1  MOLSA Planing 3 MOLSA Planing 4 MOLSA Planing 5 MOLSA Planing 6 MOLSA Planing 7MOLSA Planing 0