Xoghayaha Jootada ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo ka qayb-galay Shir Caalami ah oo looga hadlayo ka hortaga ku shaqeysiga Carruurta oo lagu qabtay dalka Argentina  

Xoghayaha joogtada ah ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ayaa ka soo qeybgalay Shirweynihii Guud ee Caalamiga ahaa oo ku saabsanaa Ciribtirka shaqaaleysiinta iyo  joojinta ku shaqeysiga Caruurta oo ay soo qabanqaabisay Xukuumadda Argentina oo gacan ka heleysay ILO ayaa lagu qabtay magaaladda Buenos Aires 14-16-kii November 2017.

Ujeedada ugu weyn ee kulanka waxey aheyd in soo bandhigo  horumarka weyn ee laga sameeyey caalamka sidii looga hortagay dhammaan noocyada kala duwan ee shaqaaleynta  carruurta sanadihii u dhexeeyay 2000 iyo 2017.

Intii lagu guda jiray kulanka Xoghayaha joogtada ah ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ayaa si kooban u sharaxay xaaladda ay ku jiraan carruurta Soomaaliyeed oo si khaas ah u shaqaaleysiiya Carruurta waxuuna yiri  “Soomaaliya waa mid ka mid ah dalalka adduunka ee isticmaala ku shaqeysiga  caruurta. Waxaana  lagu qiyaasey in ka badan qiyaastii 42% caruurta Soomaaliyeed ay da’doodu u dhaxayso 5 ilaa 14 waxaana lagu khasbay in ay ka shaqeeyaan howlo adag ee deegaanadooda si ay u bixiyaan lacagta waxbarashada, qaar ka mid ah in ay taageeraan qoysaskooda ama xitaa si ay u noolaadaan.

Intaa waxaa dheer in carruur badani shaqeeyaan, badanaa taasoo salka ku heysa heerka sare ee saboolnimada iyo shaqo la’aanta guud ahaan dalka. Shaqaaleynta carruurtu waa arrin muhiim ah oo ka jirta Soomaaliya iyada oo sii kordheysay  tirada carruurta waddooyinka iyo qoysaska barakacayaasha ah. Waxaa jira dabeecado xooggan oo ku saabsan shaqada carruurta, taas oo tilmaameysa in carruurta la rumeysan yahay in ay leeyihiin masuuliyad ah inay taageeraan qoyska. Tani waxay si gaar ah muhiim ugu tahay heerarka xad-dhaafka ah ee shaqo la’aanta iyo saboolnimada oo ay carruurtu noqon karaan qaab dakhliga aasaasiga ah ee qoyska.

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ayaa hadda ka shaqeyneysa xeeladaha ay ku dhaqan gelinayaan sharciga  shaqada, waxeyna  kor u qaadayaan badbaadada iyo caafimaadka carruurta iyo horumarinta iyo iskuduwida hirgelinta siyaasadaha ku habboon. Iyadoo ay ka mid tahay ka hortagga Shaqaaleysiinta ee saameeya fayaqabka  carruurta Soomaaliyeed, si loo wanaajiyo xaqiiqada dhabta ah ee caruurta Soomaaliyeed gaar ahaan carruurta shaqooyinka kala duwan qabta.

Ugu dambeyntii xoghayaha joogtada ah ayaa kulan gaar ah la yeeshay Agaasimaha Guud ee Ururka Shaqaalaha Caalamiga ah (ILO) Mr. Guy Ryder kana  codsaday in lagu taageero caruurta Soomaaliyeed iyada oo la siinayo mashaariic lagu yareynayo arrimaha shaqaaleynta caruurta Soomaaliya.

Xoghayaha joogtada

Xoghayaha joogtada 1 Xoghayaha joogtada 2 Xoghayaha joogtada 3