Xoghayaha Cusub oo lagu soo dhaweeyay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada  “SAWRRO”

Kulan lagu soo dhaweynayay Xoghayaha joogtada Wasaaradda shqada iyo Arrimaha bulshada ayaa  lagu qabtay xarunta dhexe ee Wasaaradda.

Xoghayaha joogtada ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo dhawaan loo soo magacaabey in uu qabto xilka xoghayaha joogtada ayaa maanta soo xaadiray kulan lagu soo dhaweynayay si ay iskugu bartaan mas’uuliyiinta ka tirsan  Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.

Kulankaas oo ay kasoo qeyb galeen masuuliyiinta sare  ee wasaaradda  waxaa gadoominayay wasiir ku xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada  Xil Cusmaan Libaax Ibrahim waxaana kasoo qeyb galey agaasimaha guud iyo agaasimayaasha waaxyaha ee Wasaaradda.

New Permanent Secretary 1

Wasiir ku xigeenka oo ugu horeyn ka hadlay doorka uu ku lahaan karo xoghayaha  joogtada ee cusub Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ayaa sheegey in looga baahan yahay wax yaabo badan oo horumar  iyo  wada shaqeyn u keeni karo Wasaaradda iyo wasaaraddaha kale ee dalka. waxuuna ku booriyey dhamaan Agaasimayaasha iyo shaqaalaha Wasaaradda in ay la shaqeyaan Xoghayaha joogtada mudane Xassan sharif Cusman.

Sidoo kale Wasiir ku xigeenka oo hadalkiisa sii wata ayaa la dardaarmey dhamaan agaasimayaasha  waxuuna yiri  “u diyaar garowga bisha barakeysan ee Ramadaan waa sidii  loogu heli lahaa gar gaar iyo taakuleyn bulshada rayidka gaar ahaan dadka baahiyada gaarka qaba ee ah (Naafada).

kulanka waxaa isna ka hadlay Agaasimaha Guud ee wasaradda shaqada iyo arriamaha bulshada  mudane Maxamed Cadde Mukhtaar waxuuna yiri ” waxaa si farxad iyo kalgacal leh  u soo dhaweynayaa  wasaaradan Mudane xoghaye Xassan Shariff  Cusman waxaana diyaar u nahay in kula shaqeyno sida aan u dhan nahay Mas’uuliyiinta Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada  .

Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada mudane Xasan shariif Cusman ayaa uga mahadceliyey mas’uuliyiinta iyo Agaasimayaasha waaxyaha Wasaaradda  soo dhaweynta diiran ee ay u sameeyeen, wuxuuna ballan-qaaday inuu howsha meeshaas kasii wadi doono, kana faa’iideysan doono khibradda baaxadda wayn ee wasaaradda shaqada iyo arrimaha Bulshada  mas’uuliyiinteeda ku jirto. waxuuna yiri ” waxaan soo  diyaarin doonaa  qorshe wada shaqeyn oo aan ku howl gali doono” sidaana waxaa yiri mudane Xassan shariff Cusman.

Ugu dambeyn, waxaa kulanka soo xiray wasiir ku xigeenka, Xil. Cusman Libaax Ibraahim  oo u mahad celiyay Agaasimaha Guud  iyo Agaasimeyaasha waaxyaha ee wasaarada kaalinta ay ka soo qaateen horumarinta wasaaradan waxuuna yiri “ Xog-hayaha cusub waxaan isna leeyahay soo dhawoow xilka aad qaaday waa mid culus oo laf-dhabar u ah howlaha Qaranka Soomaaliyeed”.

New Permanent Secretary 3

New Permanent Secretary 5New Permanent Secretary 2 New Permanent Secretary 4New Permanent Secretary 0    New Permanent Secretary 01