Xaflad lagu  Daahfuray Dib Usoo Noqoshada xiriirka Guud ee Ururada Shaqaalaha Dowladda oo lagu qabtay  Muqdisho

Xafladda daahfurka xiriirka Guud ee Ururada Shaqaalaha Dowladda waxaa ka soo qeyb galay mas’uuliyiin sare oo ay ka mid yahiin xoghayayaasha Joogtada ee Wasaaradaha kala ah xoghayaha joogtadda Wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada mudane Xasan Shariif Cusmaan ,  Xoghayaha Joogtada wasaaradda Arrimaha Gudaha Prof Yaxye  Cali Ibraahim , Xoghayaha Joogtada wasaaradda Owqaafta iyo Arrimaha Diinta Mudane Maxamed Kheyrow Aadan,  ku xigeenka Xoghaya Guud  Golaha Shacabka  Soomaaliyeed (Baarlamaan) mudane Carafaad  Cali Maxamed iyo Xoghayaha Guud ee guddiga Dib u Heshiisiinta Qaranka Mudane  Cabdicasiis Muqtaar Qariidi.

Sidoo kale waxaa ka soo qeyb galay Agaasimayaasha Guud Wasaaradaha  sida Agaasimha guud ee Wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada mudane Maxamed Cadde Muqtaar , Agaasimha guud ee wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Mudane Cabdirisaaq Cali Yuusuf Bahlaawi, Agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashada dowladda federaalka Ismaaciil Yuusuf Cismaan iyo marti sharafeed kale uu ka mid ahaa Admiral Gaas faarax Axmed Cumar (Faarax Qare), Prof. Maxamed  Cilmi  Tooxow iyo Bashiir Cabdulaahi Faarax oo ka socday Xafiiska Ra’iisul wasaaraha dowladda federaalka Soomaaliyeed.

  union-2

Xoghayaha Joogtada wasaaradda Arrimaha Gudaha Prof Yaxye  Cali Ibraahim “shaqale weynaha soomaaliyeed xaquuqaadkooda qaar badan waxey ku quran tahay dastuurka jamhuuriyada ku meelgaarka qodobka boqol shan iyo tobanaad ilaa boqol sagaal iyo tobanaad, xaquqaadka aas asiga ay shaqalaha leeyahiin , shaqalaha exteraamka ugu weyna waa in ay yeshaana qayim cada oo ay kula falgalayaan bulshada ay u adeegayaan  ayna ka  noqdaan xafiisyada ay jogaan  kuwo matalaaya magaca dawlada fedaralka Soomaaliyeed” sidaana waxaa yiri Prof Yaxye  Cali Ibraahim.

[youtube id=”0D-9riWSVVY” width=”600″ height=”350″]

somali-workers-unions-1 somali-workers-unions-2 somali-workers-unions-3 somali-workers-unions-4 somali-workers-unions-5