Xafaladda furitaanka Mac-hadka Tababarka ee Wasaaradda shaqada iyo Arrimaha bulshada.

 

 

Waaxda Tababarada ee Wasaaradda shaqada iyo Arrimaha bulshada ayaa maanta soo bandhigtay xarun tababar iyo Xafiisyadii ay waaxdu ku howl geli laheyd, Xaruntaan waxaa lagu taba bari doonaa dhammaan Shawaalaha dowladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay waxaana laqor-sheynayaa in muddo sanad ah lagu tababaro dhaqaalaha dowladda iyadoo lagaarsiinayo in yaqaanaan habka Xafiisyada looga shaqeeyo iyo Asaaska Maamulka shaqaalaha.

 

 

Masuuliyiinta Wasaaradda shaqada iyo Arrimaha bulshada ayaa siweyn usoo dhaweeyay furitaanka xarunta iyaga oo ku baaqay in loo sameeyo Xaflad furitaan.

 

 

Xafladdan ayaa waxaa si weyn usoo qaban qaabiyay iskuna hawlay Agaasimaha waaxda Tababarada Wasaaradda shaqada iyo Arrimaha bulshada Mudane Ismaaciil Macallim Cabdullahi, waxaana kasoo qeyb galay Masuuliyiin iyo Marti sharaf kala duwan oo kakala socday Xildhibaanada, Wasiirada, Agasimayaasha guud, Agaasimayaasha Waaxaha, Ururada Bulshada qeybahooda kala duwan iyo Shaqaalaha Wasaaradda.

 

 

Sidoo kale, waxaa Xafaladdan Xarunta Tababarada bar bar socday Tababar loo furayo shaqaalaha Wasaaradda 30 Xubnood oo kamid ah, kuwaas oo laga soo xulay waax-yaha laka duwan ee Wasaaradda si waax kastaba ugaarto isku filnaan dhab ah taas oo ah qeyb kamid ah Horumarinta shaqaalaha oo mar walba ay inoogu baaqaan Masuuliyiinta Dowladda ayaa ballan qaaday in ay dar dar gelinayaan.

 

 

Xafladdan waxaa ugu horey-ntii khudbad soo dhaweyn ah ka jeediyay Agaasimaha waaxda Tababarada Wasaradda isaga oo sheegay in hadda wixii ka danbeeya si is daba joog ah loo tababari doono shaqaalaha Agaasimuhu waxa uu ku baaqay in ay kafaa-iideystan Hay’adaha Dowladda sigaar ah Tababaradan Wasaraddu u fidineyso si guud ,waana mid naga wada dhexeeya.

machadka cusub 2

 

Agaasimaha waaxda Tababarada oo ka hadlaya soo dhweynta Masuuliyiinta sar sare ee Dowladda iyo Marti sharafka Xafadda furitaanka Mac-hadka Tababarada iyo tababar u furidda shaqaalaha Wasaaradda qeyb kamid ah oo tiradoodu tahay 30 shaqaale ah.

machadka cusub 3

Agaasimaha guud ee Wasaaradda shaqada iyo arrima bulshada Mudane Aweys sh. Xaddad oo Xafladda furitaanka machadka khudbad qiima badan ka jeediyay ayaa ugu baaqay shaqaalaha Soomaaliyeed in ay kafaa-iideystaan Mac-hadkaan oo loo diyaariyay in ay ku tababartaan shaqaaluhu , isaga oo Agaasime Aweys kunuux nuux saday in dhammaan shaqaalaha dowladda Tababar loo dhameystiri doono sanadka cusub 2015 loona aqoon sandoono in uu noqdo Sanadkii Horumarinta shaqaalaha Soomaaliya Agaasimaha ayaa si gaar ah ugu mahad celiyay hey.adaha suurta geliyay in ay ka gacansiiyaan kana gacansiin doonaan tababarada shaqaalaha isaga oo ku daray in macallimiinta iyo kharashaadkooda ka caawiyaan Wasaaradda.

machadka cusub 1

 

Wasiirka Wasaaradda shaqada iyo Arrimaha bulshada Excellence Luqman Ismaaciil Maxamad oo Xafladdaas soo geba gebeeyay ayaa si weyn uga hadlay faaiidada Tababarada shaqaalaha iyo Xarun tababar in lahelo, Maxaa yeelay muddo dheer ayaan raadineynay Xarun aan shaqaalaha ku tababarno si looga gudbo tababarada loo aadayo Wadamada shisheeye, oo shaqaalaheena ay u tababaraan khubaro Soomaaliyeed oo aqoon u leh shaqo Xafiiseedka iyo Maamulka taas ayaana looga gudbi karaa aqoon darida laguna gaari karaa Horumar, fadlan Soomaalidu hala faa-iideystaano hana is caawiyaano si dhibaatada dalaka kajirta looga gudbo.

 

 

Tababarkan waxa uu socon doonaa Mudo bil ah (one Month) Sidaa waxaa yiri Wasiirka Wasaaradda shaqada iyo Arrimaha bulshada Mudane luqmaan ismaaciil, Waxaana Wasiirku sheegay in bil walba latababri doono Wasaarad, Waana la dhameys-tirayaa dhammaan Wasaaradaha Dowladda muddo gaaban in shaa allah.

 

 

Wasiirka oo khud-baddiisii kusoo gebagebeeyay Tababarkiina waa inoo furanyahay, Mac-hadkiina waa inoo furan yahay, waxaan farayaa in si xilkas-nimo ah looga shaqeeyo howsha hortaala Waaxda Tababarada iyo guud ahaan Wasaaradda shaqada iyo Arrimaha bulshada /SHAQA WANAAGSAN.

machadka cusub 4