Xuska Maalinta Naafada Aduunka oo ku beegan 3dec 2014 ayaa lagu qabtay Soomaliya.

Magaalada Muqdisho waxaa Maanta lagu xusay maalinta Naafada Aduunka oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada iyo Daladda Naafada Qaranka Soomaaliyeed, waxaa kala qayb galay munaasabada Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha bulshada Eng. Luqman Ismaanciil Maxamed, Agaasimah Guud Aweeys Sheekh Xadaad iyo Gudoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Mudane Tarsan iyo Gudoomiyaha Naafada Qaranka Cali C/laahi Salaad iyo Gudoomiyaha Haweenka Qaranka marwo Canab Xasan Cilmi iyo masuuliyiin ka socday hay’adaha udooda xaquuqda Naafada.

Dhamaan Masuulyiintii ka hadashay ayaa ku dheeraaday muhiimada ay leedahay xuska maalintaan lana ilaaliyo xuquuqda Naafada iyo daryeelkooda sidoo kale in ay tahay mid waajib ah loona baahan yahay in la wada ilaaliyo wax u qabadka Naafada si wadajir ah .

Naafo Day 2014 7

Gudoomiyaga Daladda Naafada Soomaaliyeed Cali C/laahi Salaad ayaa ugu horayn ka jeediyey goobta muhiimada ay munaasabada u leedahay, wuxuu ka hadalay sidoo kale caqabadaha haysta dadka naafada ee Soomaaliya iyo dhibaatada dhanka nolasha oo uu sheegay in la tiicayaan nolal maalmeedka.

Cali C/laahi wuxuu dowladda federaalka iyo hay’adaha daneeyana wax u abadka dadka naafada ugu baaqay in ay ka qayb qaataan taakuleunta dadka naafada oo uu sheegay in wakhti xaadirkan u baahan yihiin gar gaar lagana tayeeyo dhinacyo badan oo ka mid nolasha, waxbarashada iyaga iyo carruurtooda.

Guddoomiyaha Naafada Cali Abdulaahi Salaad ayaa si xushmad leh uga codsaday in la dhoowro lana ilaaliyo xuquuqda Naafada loona sameeyo sharcigii ay ku heli la haayeen xuquuqdooda si cadaalad ah .

Naafo Day 2014 4

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha bulshada Eng. Luqman Ismaanciil Maxamed oo soo gaban gabeeyay xafladda ayaa ku amray Agaasimaha Waaxda Naafada in sida ugu dhaqsiyaha badan loo sameeyo sharciga iyo siyaasada lagu hagi lahaa Naafada laguna hormarin lahaa, loona hor geeyn la haa Golaha Wasiirada si ay u meel mariyaan sharciga naafada Soomaaliyeed .

Sidoo kale wuxuu go’ aamiyay in guddi ka socda Wasaaradda iyo Naafada ay sameeyaan sharciga iyo siyaasada lagu hagi lahaa Naaafada Soomaliyeed.

Dhamaan Masuuliyiinta ka hadlay munaasabada ayaa ku cabiray dareenkooda wax u qabadka naafada Soomaaliyeed iyo sida ugu haboon ee wax loogu qaban karo, masuuliyiinta dowladda ayaa balan qaad sameeyey in dowladdu ka war qabayso naafada Soomaaliyeed.

  Naafo Day 2014 5 Naafo Day 2014 6 Naafo Day 2014 8 Naafo Day 2014 9 Naafo Day 2014 11 Naafo Day 2014 12

 Naafo Day 2014 3Naafo Day 2014 1Naafo Day 2014 2

W.D Waaxda Xiriirka Guud iyo Isgaarsiinta