Wasiiru Dawlaha Wasaaradda oo booqday Xafiiska Ruqsad-siinta shaqaalaha ajanabiga ah

Muqdisho, November, 08, 2020- Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi Axmed Qaasim ayaa maanta kormeer ku tagey Xafiiska Ruqsad-siinta shaqaalaha ajanabiga ah ee hoostaga Waaxda Sharciyada iyo Xiriirka Shaqaalaha ee wasaaradda.

Wasiiru Dawlaha ayaa inta uu kormeerka ku jiray wuxuu warbixin ka dhageystay madax-qeybeedka xafiiska iyo howl-wadeennada ka howl-galla.

“Ujeeddada koormeerkan wuxuu yahay inan oggaano sida ay shaqada u socoto xafiiskan wasaaradda kaliya muhiim uma aha dalka oo dhan ayuu saameyn ku leeyahay.”ayuu yiri wasiiru Dawlaha Wasaaradda, Mudane Cabdi Axmed Qaasim.

Sidoo kale, waxaa uu Wasiiru Dawlaha booqday xafiisyada, wasaaradda maaliyadda, xisaabiyaha guud,bangiga dhexe iyo hay’adda socdaalka ee ku yaalla garoonka diyaaradaha, kuwaaso dhammaantood wada shaqeyn la leh Xafiiska Ruqsad-siinta shaqaalaha ajanabiga.

-Dhammaad-