Agaasimaha Guud oo soo xiray tababar la xiriiray siyaasadda Ilaalinta Bulshada

Muqdisho, November, 08, 2020- Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada , Mudane Cabdullaahi Maxamed Cali ayaa galinkii dambe ee Khamiistii shalay soo xiray tababar muddo saddex cisho ah socday oo ku saabsanaa siyaasadda Ilaalinta Bulshada.

Muddada uu socday tababarka, waxaa ka qeybgalay xubno sare oo ka socday Dowladda Federaalka, Dowlad-gobolleedyada iyo gobolka Banaadir.

Agaasimaha Guud, ayaa sheegay dadaal xooggan inay ku bixinayaan faafinta siyaasadda qaranka ee Ilaalinta Bulshada oo muhiimad u leh dagaalka lagu dhimayo saboolnimada.

Siyaasadda Ilaalinta Bulshada ayaa udub-dhexaad u ah dadaalada horumarinta Bulshada, iyadoo dalka uu gaaray barnaamijka Baxnaano oo siyaasadda qeyb ka ah kaas oo taageerro dhaqaale ay ka helayaan bulshada Nugul.

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ayaa sidoo kale ku guuleysatay in si dhaqso ah ay uga jawaabto saameynta uu Ayaxa gaarsiiyay beeralayda iyo xoolo dhaqatada dalka, waxaana taageerro lacageed lagu kabaya qoysaska uu saameeyay.

-Dhammaad-