Wasiirku xigeenka Wasaradda Shaqadda iyo Arrimaha Bulshadda oo ka qeyb galay Munaasabad ay Hey’adda Nile ku Afurineysa Boqollaal qoys bisha Ramadan.

Wasiirku xigeenka Wasaradda Shaqadda iyo Arrimaha Bulshadda oo ka qeyb galay Munaasabad ay  Hey’adda Nile  ku  Afurineysa  Boqollaal qoys  bisha Ramadan.

Wasiirku xigeenka Wasaradda Shaqadda iyo Arrimaha Bulshadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo mas’uuliyiin ka tirsan wasarraddaasi ayaa ka qeyb galey xaflad lagu afuranayay boqollaal qoysas danyar ah.

Munaasabadda oo lagu qabtay dugsigii farsamada ee Buula tikniko  ayaa lagu maamuusayay qorshe ay hey’adda Nile ugu talagashay iney ku afuriso ilaa 500 oo qoysas danyar ah inta ay socoto bisha barakeysan ee Ramadan.

Masuul u hadley hayadda Nile ee afurinta u sameysa dadkan danyarta ah ayaa sheegay in hey’addu ay bilowday qorshe ay ku afurineyso ilaa 500 oo qoysas danyar ah inta ay socoto bisha barakeysan ee Ramadan isagoo intaa ku daray in dadkaasi ay heli doonaan habeen kasta cunto Afur ah oo ku filan.

Wasiir ku xigeenka Wasaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Cismaan Libaax Ibraahin ayaa xarigga ka jarey ugu danbayn barnaamijkan afurinta dadka danyarta ah waxa uuna uga mahadceliyey hayadda Nile Caawinta dadka Soomaaliyeed ee danyarta ah.

turki soon 0 turki soon 1 turki soon 2turki soon 3turki soon 10

turki soon 9 turki soon 4 turki soon 5 turki soon 6 turki soon 7 turki soon 8