Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka  Soomaaliya oo maanta kormee ku yimid  Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Cumar Carte, ayaa booqasho ku yimid Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, si loogu kuur galo habsami u socodka shaqada iyo si uu ugu dhiiri galiyo howl wadeenada Wasaaradda iney laba laabaan shaqooyinka muhiimka ah ee horyaala.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa  kulamo la qaatay  agaasimayaasha wasaaradda, isagoona mid-mid u booqday xafiisyada shaqaalaha oo xiligaas ku guda jiray shaqadoodii maalin laha ahayd.

 

“Waxaan maanta booqday Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, ujeedkuna waa ka warqabida habsami u socodka shaqada iyo u kuurgalida duruufaha adag ee ay ku shaqeeyaan shaqaalaha dowladda, waxaana runtii iig muuqatay shaqaalaha niyad sami iyo fir fircooni, taasna waxay dhiiri galinaysaa in la hormariyo hay’adaha dowladda, kormeerkan hadda ka dib wuxuu noqonayaa mid joogta ah,. waxaan halkan amaan uga soo jeedinayaa ciidamada kala duwan ee qalabka sida oo intii aan ku jirnay kormeerka si wanaagsan amniga u sugayey” ayuu yiri Ra’iisul wasaare ku-xigeenku.

 

Dhanka kale intii uu ku guda jiray kormeerka wuxuu ka dhagaystay warbixino Agaasimayaasha Wasaaradda, waxayna u soo gudbiyeen Ra’iisul Wasaare ku xigeenka  duruufaha ka jira Wasaaradda iyo horumarada ay sameeyeen. Ra’iisul Wasaare ku xigeenku wuxuu balan qaaday inuu la tashi kala samaynayo sidii wax looga qaban lahaa cabashooyinka ka jira golaha wasiiradda, warbixina ka siinayo waxyaalaha uu ku soo arkay wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.

rw ku xigeen 2 rw ku xigeen 1rw ku xigeen 0wasaaradda 1