Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS ayaa maanta kulan kula qaatay magaalada Doha dhiggiisa Dalka Qatar.

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr. Maxamed Cilmi Ibrahim ayaa maanta kulan miro-dhal ah la qaatay dhiggiisa Dalka Qatar, Mudane Cali bin Samikh Al-Marri, waxayna ka wada hadleen wadashaqeynta dhinacyada shaqada, oo ay ku jiraan horumarinta goobaha shaqada, horumarinta barnaamijyada tababbarka iyo kor u qaadida fursadaha shaqo.

Kulanku wuxuu labada wasiir u ahaa fursad aad u weyn oo lagu xoojinayo xiriirka ka dhaxeeya dalalka Soomaaliya iyo Qatar iyo in la sii wado hadafyada labada dhinac ee lagu dhiirrigelinayo kobaca dhaqaale ee waara iyo horumarka bulshada.