Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Dr. Maxamed Cilmi Ibraahim ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Wafdi ay hoggaaminayaan Agaasimayaasha Hay’adaha WFP iyo SCC.

Muqdisho –13/08/2023. Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Dr. Maxamed Cilmi Ibraahim XFS ayaa maanta si gooni gooni ah ula kulmay wafdi ka kala socday Qaramada Midoobay barnaamijka Cuntada adduunka ee WFP oo uu hoggaaminayay El-khidir Daloum oo WFP u qaabilsan Arrimaha Somaliya ahna Agaasimaha guud WFP, iyo Masuulka ugu sareeya ( Somali Cash Consortium) kuwaas oo booqasho ku yimid Muqdisho gaar ahaan wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada .

Kadib markii si diiran loogu soo dhaweeyay wafdi ka socday WFP oo uu hoggaaminayay MR. El-khidir Daloum iyo Dalladda Lacagaha Soomaaliya (Somali Cash Consortium) oo uu hoggaaminayay Agaasimaha Mr. Alessandre Bini ayaa booqasho ku yimadeen xarunta wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada magaalada Muqdisho.

kulan gaar gaar ah ay wada qaateen Wasiirka iyo Wafdi, waxaa si wadajir goob joog u ahaa Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xil. Cusman Libaax Ibraahim , Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Mudane Yuusuf Xasan Isaaq iyo La-taliyayaasha Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee MOLSA. Iyo masuuliyiin ka socotay labada dhinaca ee Wafdiga uu xafiiskiisa ku qaabilay Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Dr. Maxamed Cilmi Ibraahim XFS.

Wafdiga ka socday Hay’adda barnaamijka Cuntada Adduunka ee WFP ayaa ugu horeyntii kulanka la qaatay Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Dr. Maxamed Cilmi Ibraahim XFS iyagoo ka wada hadlay arrimo ay ka mid yihiin hanaanka wada shaqeynta ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada iyo WFP, Mr. El-Khidir Daluum oo ah Agaasimaha Hay’adda WFP ayaa ka codsaday Wasiirka Shaqada in ay sii wadaan wada shaqeynta, islamarkaana ay ka qeyb qaadanayaan ka shaqeynta danta bulshada Soomaaliyeed.

Dhanka kale; Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Wafdi ka socday Dalladda Lacagaha Soomaaliya (Somali Cash Consortium). Labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga si loo dhiso nidaamka Ilaalinta bulshada oo ay dowladdu leedahay, Wasaaradana ay hormuud ka tahay, waxaana diiradda lagu saaray fursadaha shaqo. abuurista dhalinyarada iyada oo loo marayo tababaro xirfadeed iyo ganacsi bilow ah.

Wafdigan uu maanta kulamada la qaatay Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Dr. Maxamed Cilmi Ibraahim ayaa qeyb ka ah wafdi ka socday caalamka oo maalmihii ugu dambeeyay booqasho isdabadajoog ah ugu imaanayay magaalada Muqdisho si ugu hambalyeeyaan masuuliyiinta wasaaradda shaqada gaar ahaan Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Dr. Maxamed Cilmi Ibraahim iyo Mudane Yuusuf Xasan Isaak Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.