Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS oo qaabilay safiirka Turkiga ee Soomaaliya.

Muqdisho , October, 9, 2022 – Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xil. Biixi Iimaan Cige ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay safiirka Dawladda Turkiga ee Soomaaliya, Mudane Mehmet Yılmaz.

Kulanka ayaa looga hadlay , xoojinta iskaashiga ee dhinacyada , horumarinta Shaqada, Shaqaalaha , xirfadaha iyo Arrimaha Bulshada.

Wasiir Biixi Iimaan Cige , ayaa Safiirka la wadaagay qorshayaasha hortabinta u leh howlaha shaqo iyo hiigsiga Wasaaradda , iyadoo sidoo kale halkaa lagu soo bandhigay sida loo horumarin karo.
“Turkiga waa saaxib iyo dal muhiim u ah waddankeenna, xilligaana dadaalladane waxay ka qaadan karaan door iskaashi oo muhiim ah. “ayuu yiri Wasiir Biixi.

Waxaa sidoo kale kulanka lagu soo qaaday , sidii loo dhaqangelin lahaa is-afgarad ay horey u gaareen Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS iyo dhigeeda Dalka Turkiga.
Safiirka Dawladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya, mudane Mehmet Yılmaz ayaa dhankiisa xaqiijiyay Dawladda Turkiga inay dedaal badan galinayso sidii loo horumarin lahaa shaqaalaha , xirfadaha , taageerrada Bulshada iyo kor u qaadista shaqada,

sidoo kale safiirka ayaa sheegay inay xoojinayaan dedaallada dib u soo kabashada ee Soomaaliya.

Kulanka ayaa waxaa goob -joog u ahaa Wasiiru Dawlaha Wasaaradda , Mudane Yuusuf Maxamed Aadan, Wasiir ku-xigeenka ,Mudane Cismaan Libaax Ibraahim iyo Agaasimaha Guud, Mudane Cabdullaahi Maxame Cali