Wasiirka shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS oo ka qeyb-galay Shirka Wasiirada shaqada Ururka Iskaashiga Islaamka

Wasiirka shaqada iyo Arrimaha Bulshada Dowladda Soomaaliya Xildhibaan Salah Axmed Jamac iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa ka qeyb galay shirka wareega 4-aad ee Wasiirada shaqada ee ku bahoobay Ururka iskaashiga Islaamka ee ka dhacaya magaalada Jiddeh ee dalka sacuudiga.

Shirka oo lagu wado in uu furmo galinka dambe ee maanta ayaa waxaa soo qabanqaabiyay Wasiirada Shaqada Sacuudiga oo la kaashanaysa Ururka Iskaashiga Islaamka,waxaana ka qeyb qaadanayaa wasiirada Shaqada 56 dal oo ka tirsan dalalka Islaamka,isagoo socon doono muddo labo maalin ah.

Ujeedada shirka ayaa ah sidii la isku dhaafsan lahaa macluumaadka ku saabsan xagga shaqada, siyasadda iyo barnaamijyada kale ee ku lug leh horumarinta shaqada iyo shaqaalaha.

Sidoo kale, inta uu socda shirka waxaa kaloo lagu qaadaa dhigi doonaa istaraatiijiyada shaqada wasaaradaha wadamada Islaamka siiba xagga shaqo siinta,barnaamijka kale ee howlgelinta dhalinyarada iyo sidii shaqo loogu abuuri lahaa, iyadoo lala kaashanayo Ururka Iskaashiga islaamka.

IOC meeting in Saudi Arabia 1