Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS Mudane Biixi Iimaan Cige ayaa furay shirka guddiga farsamada ee maamulka socdaalka Shaqada ee wadamada Geeska Afrika .

Muqdisho 11/01/2023 Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Mudane Biixi Iimaan Cige ayaa bogaadiyay ka soo qeyb galayaasha shirka guddiga farsamada ee maaraynta socdaalka shaqo ee dalalka Geeska Afrika ka dib markii u daah furay shir hal maali ah, waxaana uu ka sheegay shirkaas  in qulqulka shaqaalaha ay qayb ka yihiin dadka  Soomaaliyeed ee shaqo doonka ah, waa mid ka mid ah meelaha ugu muhiimsan in wax laga qabto, kaas oo u baahan in lagu saleeyo hab sharci ah.

 

Wasiirka Wasaaradda ayaa sheegay in  ay door muuqda uga qaadanayaa taaba gelinta iyo la shaqeynta  guddiga farsamada ee maaraynta socdaalka shaqada ee dalalka Geeska Afrika, iyadoo ay  Wasaaraddu  ku hawlan tahay sidii ay u soo saari lahayd sharuucda hagi laheyd arrimaha Socdaalka shaqo doonka.

Sidoo kale Wasiirka ayaa intaa ku daray in Baarlamaanka Soomaaliya 2015-kii ay ansixiyeen sharciga shaqaalaha Ajaanibta ah. Kaas oo wax badan ka qabtay  Shaqaalaha soo galootiga ah.   “ Shaqaalaha Soomaaliyeed waxay noqon doonaan kuwo qab leh oo  ku faani kara dalkooda Hooyo  haddii ay u shaqo tagaan dalalka deriska iyo Carabta .” Sidaana waxaa yiri  Wasiir Bixi

 

Gabagabadii, Wasiirka ayaa ku ammaanay ka qeyb galayaasha doorkii ay ka qaateen qabanqaabada shirkan, sida Hay’adda  ILO, Ururada Shaqaalaha FESTU, Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed iyo Wasaaradaha Dowladda Federaalka ee quseysa arrimaha Socdaalka.

Shirka qodobada looga hadlaayey  waxaa kamid aha:

  • Isbeddellada socdaalka shaqada ee Soomaaliya oo ay ku jiraan caqabadaha iyo Fursadaha jira(Labor Migration trends in Somalia including challenges and opportunities).
  • Habka ILO ee Maamulka Socdaalka Shaqada & BRMM-ka  (ILO’s Approach to Labor Migration Governance & Better Regional Migration Management BRMM)
  • Mudnaanta Barnaamijka Socdaalka Shaqada ee uu u leeyahay Dalka Soomaaliya si loo ogaado Qorshaha Shaqada ee hortabinta u ah. BRMM (Somali Country Priorities on Labor Migration to inform BRMM Work Plan)

Wasiika ayaa u rajeeyey kulankaan qododbada kasoo baxa mid miro dhal ah