Wasiirka oo Xarunta Tababarka Xirfadaha Gacanta soo kar merey wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada

Wasiir Biixi “ Adeegga xarunta Tababarka Xirfadaha Gacanta wuxuu gacan ka geysanayaa horumarinta xirfadaha iyo Shaqo abuurka”

Muqdisho, January, 15, 2023 – Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xil. Biixi Iimaan Cige oo ay weheliyeen Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda, Mudane Cismaan Libaax Ibraahim iyo agaasimaha Guud , Mudane Cabdullaahi Maxamed Cali ayaa maanta booqasho kormeer ah ku tagay xarunta Tababarka Xirfadaha Gacanta ee xero Jarmal.

Xarunta ayaa markii u horreysay muddo ka badan 30 sanno ka dib, waxaa dib u howlgelisay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, iyadoo labadii dufcad ee ugu horreeyay oo dhammeystay adeegyada ay xaruntan horey u bixin jirtay ee xirfadaha ay ka qallinjabinayaan.
“Xaruntan xero Jarmal, dib u howlgelinteeda waxay muhiim u leedahay dalkeenna.”ayuu yiri Wasiir Biixi oo inta ku daray “ howlaha shaqo ee hadda ka socda iyo adeegyada ay bixinayso waxay gacan ka geysanayaan horumarinta xirfadaha iyo shaqo abuurka.”

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada , waxaa kalo u sheegay in ballaarin iyo horumarin lagu sameyn doono adeegyada xarunta, isagoo intaa raaciyay in dhawaan khuburo aqoon sare u leh shuruucda iyo horumarinta farsamada gacanta ay shaqo gelin doonto Wasaaradda.

Xarunta Tababarka Xirfadaha Gacanta ee xero Jarmal, ayaa hadda bixinaysa xirfadaha muhiimada u leh suuqa shaqada ee dalka oo ay ugu horreeyaan kuwa gacanta laga qabto ee Makaanikada, Korontada iyo xirfadaha tamarta Cadceeda, iyadoo xirfadahaa ay u xaadiraan in ka badan Boqol (100) dhallinyaro ah oo isugu jira rag iyo dumar.
—Dhammaad—