Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya oo Guddoomiyey Kulan looga hadlay Qorshe Howleedka Wasaaradda

Muqdisho , May, 25,2021- Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdiwahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif ayaa maanta guddoomiyey kullan muhiim ah oo is xog-wareysi ah, kuna saabsanaa Qorshe Howleedka Wasaaradda guud ahaan gaar ahaan Qorshe Howleedyada Waaxyaha,kullanka ayaa ahaa kii u horreyay tan iyo markii uu xilka la wareegay 20 bishan May,2021.

Kulankan ayaa lagu soo bandhigay warbixin la xiriirta Qorshe howleedyada Waaxyaha Wasaaradda ee sannadkan iyo qodobbadii ugu muhiimsanaa ee ka hirgalay,iyadoo diiradda la saaray sidii loo dardargelin lahaa arrimaha dhimman.

Wasiir Cabdiwahaab Ugaas, ayaa ku ammaanay Agaasimaha Guud iyo Agaasime Waaxeedyada Wasaaradda howlaha muhiimka ah ee ay bulshada u hayaan, wuxuuna faray in si dhaqso leh loo gudo-galo diyaarinta qorshe howleedka Wasaaradda ee sannad laha ah.

Wasiirka ayaa tilmaamay arrimaha mudnaanta iyo hor-tebinta u leh oo ay ugu muhiimsan yihiin xoojinta dadaallada shaqo abuurka , xirfadaha,horumarinta bulshada, la-dagaallanka saboolnimada,bad qabka goobaha Shaqada iyo Shaqaalaha, loo shaqeeyaha iyo hagaajinta xiriirka Wasaaradaha Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Dowlad-gobolleedyada dalka, wasaaradaha la dhigga ah ee caalamka, ururrada Shaqaalaha,hay’adaha maxalliga ah iyo kuwa dibedda.

“Wasaaradan waxay mas’uul uga tahay Bulshada Soomaaliyeed arrimaha loogu baahida badan yahay ee Shaqada, Shaqaalaha iyo Arrimaha Bulshada, si taas aan uga dhabeyno waa in ilaa iyo maalinta u dambeysa dadaal galinnaa sidii is beddello muuqda iyo horumarinta howlaha Wasaaradda ay horey u heysay Bulshada aan ugu usoo bandhigi lahayn,taasna waxaan ku gaareynaa wada-jir iyo in la laba-laabo fulinta howlahaas.” ayuu yiri Wasiir Cabdiwahaab Ugaas Xuseen.

Kullankan waxaa goobjoog ka ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane Cabdullaahi Maxamed Cali.

–Dhammaad–