Wasiir Cabdiwahaab Ugaas Xuseen oo kormeeray Wasaaradda

Muqdisho, May ,22,2021- Wasiirka cusub ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdiwahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif ayaa maanta kormeer ku sameeyay qeybaha ay ka kooban tahay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.

Inta uu kormeerka ku jiray Wasiirka waxaa warbixin ka siiyay howlaha Shaqo ee Wasaaradda Agaasimaha Guud, Mudane Cabdullahi Maxamed Cali iyo agaasime waaxeedyada iyo howlwadeennada wasaaradda.

Wasiir Cabdiwahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif, ayaa maamulka iyo howlwadeennada Wasaaradda ku booriyay inay labo jibbaaraan howlaha ay Qaranka u hayaan.

” Wasaaraddan waxay muhiim u tahay Dawladnimada, waxaan idin ku dhiirrigalinayaa howlaha aad qaranka u heysaan, waxaan idin ku soo siyaadin doonaa adeegyada wasaaradda ay u qabanayso bulshada in la dareensiiyo oo la gaarsiiyo, taasna dadaal iyo wadajir ayay nooga baahantahay.”

“Howlwadeennada iyo maamulkaba waxaan idiin ballan-qaadayaa Soomaalinimo inan ku wada shaqeyno.”ayuu ku daray Wasiir Cabdiwahaab Ugaas Xuseen.

Wasiirka cusub ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdiwahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif ayaa dabayaaqadii toddobaadkii hore 20 bishan May si rasmi ah xilka ula wareegay.

–Dhammaad—