Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya oo Galdogob gaaray

Galdogob,November,19,2020- Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Duraan Axmed Faarax oo socdaal ku jooga Puntland ayaa maanta gaaray degmada Galdogob ee gobolka Mudug.

Ujeeddada socdaalka ayaa qeyb ka ah kormeer uu wasiirka iyo wafdi uu hoggaaminayo ay ku marayaan deegaannada ay ka socdaan mashaariicda taageerraya qoysaska nugul iyo kuwa saameynta uu gaarsiiyay Ayaxa ee Puntland.

“Waxay ii tahay arrin muhiim ah imaatinkeyga Galdogob, socdaalkan wuxuu qeyb ka yahay socdaal aan ku soo marey deegaanno ka tirsan Puntland” ayuu yiri wasiir Duraan oo dulleedka magaalada kula hadlay mas’uuliyiinta degmada iyo qeybaha bulshada oo halkaa ku soo dhaweeyay.

“Waxaan kormeer iyo qiimeyn ku sameyn doonaa mashaariicda Baxnaano ee ka socda degmada oo lagu taageerayo Qoysaska nugul iyo kuwa uu Ayaxu saameynta u geystay.” ayuu ku daray isagoo u mahadceliyay mas’uuliyiinta degmada iyo qeybaha bulshada ee si ballaaran u soo dhaweeyay.

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya, ayaa sidoo kale sheegay inuu kulamo la qaadanayo mas’uuliyiinta deegaanka iyo qeybaha bulshada, waxaa kalo uu xaqiijiyay inay tagi doonaan wafdiga uu hoggaaminayo goobaha muhiimka ah ee u adeegga bulshada.

Galdogob waxay ka mid tahay degmooyinka beero-iyo-xoola-dhaqatada ee uu saameeyay duulaankii Ayax waana degmo ka-faa’iideysanaysa labada mashruuc ee Baxnaano iyo Ayax.

–Dhammaad—