Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda oo daahfurtay tababar la xiriira Tayeenta shaqaalaha

Muqdisho,November,24,2020- Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Sahro Xaaji Xuseen ayaa xarunta Wasaaradda ka daahfurtay tababar la xiriira Tayeenta shaqaalaha.

Waxaa ka qeybgalay tababarka madax qeybedyada iyo howlwadeennada waaxyaha.

Ujeeddada tababarka ayaa ah sidii kor loogu qaadi lahaa awoodda Shaqaalaha, iyadoo agaasimaha Guud ee Wasaaradda Mudane Cabdullaahi Maxamed Cali uu daahfurka ka sheegay tababarka inuu noqon doono mid la joogteyn doono si loo helo shaqaale awood u leh howlaha ay u hayaan bulshada.

“Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada waxaa ka go’an kor in loo qaado tayada shaqaalaha, taas oo xoojinaya awoodda ay shaqaaluhu u yeelanayaan shaqada ay bulshada u hayaan, waana midda aan halkan u joogno maanta.” M arwo Sahro Xaaji ayaa sidaa ka sheegtay daahfurka tababarka.

–Dhammaad—