Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya oo bayaan ka soo saaray saameynta dhaqaale-bulsho iyo xiriirka Shaqada ee Fayruska Covid19

 

Muqdisho, Maarso, 30, 2020 – Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xildhibaan Sadiq Xirsi Warfa ayaa sheegay fayruska Covid19 inuu saameyn ku sheegay shaqada, wuxuuna ku baaqay in wada-jir looga shaqeeyo sidii loo wajihi lahaa xaaladdaa.

Wasiirka oo bayaan rasmi ah ka soo saaray xaaladda fayruska Covid19 , ayaa si dheer uga hadlay saameynta dhaqaale-bulsho iyo xiriirka Shaqada ee fayruska. Bayaanka ayaa sidoo kale farrin u diray dhammaan loo-shaqeeyeyaasha, shaqaalaha iyo guud ahaan bulshada, si loo yareeyo saameynta shaqada Covid19 ee Soomaaliya.

“Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada waxay sii wadaysaa caawinta shaqaalaha iyo loo shaqeeyeyaasha ee arrimaha ku saabsan xiriirka shaqada xilliga lagu guda jiro tallaabooyinka looga hortagayo fayruska Covid19.” ayuu yiri wasiir Sadiq Warfa oo dhinaca kale bulshada ugu baaqay inay raacaan tilmaamaha ay bixinayso wasaaradda caafimaadka ee fayruska la xiriira.

Hoos ka akhri Bayaanka;