Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo u gudbiyay Ra’iisul wasaaraha XFS qorshe howleedka Wasaaradda

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xil. Biixi Iimaan Cige oo ay weheliyeen Wasiir ku-xigeenka , Xil. Cismaan Libaax Ibraahim iyo Agaasimaha Guud, Mudane Cabdullaahi Maxamed Cali ayaa maanta u gudbiyay Ra’iisul wasaaraha XFS, Mudane Xamse Cabdi Barre ballanqaadka qorshaha waxqabadka Wasaaradda, iyada oo lagu jaangoynayo Barnaamijka Xukuumadda ee Sanadka 2023, Qorshaha Qaranka iyo aragtida Madaxweynaha.

Qorshe howleedka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee sannadka 2023, waxaa qeyb ka ah abuurtista siyaasaddo iyo jawi shaqo abuur , horumarinta taageerrada Bulshada iyo xirfadaha.

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS, Mudane Biixi Iimaan Cige, wuxuu sheegay si loo dhimo shaqo la’aanta ay wajahayaan Dhallinyarada in la horumarin doono barnaamijyada taageerrada xirfadaha, isagoo intaa ku daray in sidoo kale kor loo qaadi doono barnaamijyada taageerrada Bulshada nugul iyo la-dagaallanka faqriga.

Ra’iisal wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa dhankiisa ku boorriyay Wasiirka in la xoojiyo wadashaqaynta kala dhaxeysa hey’adaha kale ee dowladda, Isla-xisaabtanka iyo daahfurnaanta, iyadoo la dejinayo halbeegyo iyo qorshooyin wakhtiyeysan oo la hirgelin karo, sii guulo la taaban karo looga gaaro sanadka cusub hawlaha muhiimka ah ee horqabadka u leh Xukuumadda.

—Dhammaad