Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Dr. Maxamed Cilmi Ibraahim ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wafdi u Hoggaaminayay Madaxa Hay’adda FAO.

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Xil. Dr. Maxamed Cilmi Ibraahim ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabbilay wafdi uu hoggaaminayay madaxa hay’adda Cunnada iyo Beeraha Qaramada Midoobe ee (FAO), Mr. Etienne Peterschmitt. Kulanka ayaa looga hadlay Isbarasho iyo sidii loo xoojin lahaa wada shaqeynta Wasaaradda iyo Hay’adda FAO.

Wasiir Dr. Maxamed Cilmi, ayaa soo dhaweyn ka dib Masuuliyiinta FAO u sheegay inuu ka warqabo wada shaqeynta kadhaxeysa Wasaaradda iyo Hay’adda FAO ( Food and Agriculture Organisation). Waxa uu Wasiirka u sheegay muhiimada ay leedahay iskaashiga iyo wada shaqeynta labada dhinac, wuxuuna intaa ku daray in Dawladda ay ka go’an tahay sidii shacabkeeda loo gaarsiin lahaa adeegyada Bulshada.

Madaxa hay’adda FAO, Etienne Peterschmidt, ayaa dhankiisa boggaadiyay dadaalka dowladda ee ku aaddan Horumarinta Bulshada iyo wax ka qabashada xaaladaha deg degga ah, isagoo carabka ku adkeeyay inay ka go’an tahay xoojinta wadashaqeynta iyo iskaashiga Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.

“Waxaan u mahadcelineynaa dhammaan Masuuliyiinta Wasaaradda, gaar ahaan Wasiirada iyo shaqaalaha Wasaaradda, waxaan ku faraxsanahay inaan maanta halkan imaado oo aan isku barano Wasiirka Wasaaradda, oo aan u cadeeyo muhiimadda ay u leedahay hay’adda FAO Wadashaqeynta Wasaaradan ”. Sidaas waxaa yiri madaxa FAO, Etienne Peterschmitt.

Kulanka waxaa goobjoog u ahaa Wasiir ku xigeenka wasaaradda Xil. Cusman Libaax Ibraahim, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada , Mudane Yuusuf Xassan Isaak iyo saraakiil ka tirsan hay’adda FAO.