Shir isbarasho iyo wadatashiga oo dhexmaray Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada & Wakiilka Hay’adda (Save Children Somalia).

Wasiirka Shaqada iyo Arimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr. Mohamed Elmi Ibraahim oo uu wehliyo Agaasimaha Guud ee Wasaarada, Mudane Yusuf Xassan Isaak ayaa maanta kulan soo dhaweyn iyo isbarasho isugu jira kula qaatay xarunta Wasaaradda wafdi ka socday Hay’adda (Save the Children) oo uu hogaaminayay wakiilkeeda Soomaaliya, Mudane Mohamud Mohamed Hassan.

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa wadashaqeynta iyo iskaashiga Wasaaradda iyo Hay’adda Save the Children, Si waafaqsan howlaha muhiimka u ah Qaranka Soomaaliyeed.
Ugu danbeyntii, Wasiirka wasaarada Mudane Dr. Mohamed Elmi Ibraahim ayaa uga mahadceliyay Hay’adda (Save the Children) taageeradda ay siiso Shacabka Soomaaliyeed.