Wasiir Sadiq Warfa: Waxbarashada xirfadaha waa waddada aan ku dhimeyno shaqo la’aanta

Muqdisho, Maarso,04,2020 – Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ,Mudane Xildhibaan Sadiq Xirsi Warfa ayaa qaabiley Mudane Marius Rauh, Madaxa iskaashiga horumarinta Safaaradda Jarmalka ee Soomaaliya,waxayna ka wada hadleen sidii kor loogu qaadi lahaa xiriirka taariikhda dheer ee Soomaaliya iyo Jarmalka ee iskaashiga dhinacyada farsamada, waxbarashada xirfadaha iyo tababarada.

Dowladda Jarmalka, waxay ka taageeraysa wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya , sidii lagu horumarin lahaa xirfadaha iyo tababarrada, iyadoo kooxdii u horreysay oo ka tirsan Waaxda Xirfadaha iyo Tababbarada (TVET) dhowaan loo qaadi doono dalka dibaddiisa , si kor loogu qaado xirfaddooda.

Sidoo kale , waxaa dhowaan dib loo howlgallin doonaa dugsiyada farsamada gacanta ee ku yaal caasimadda Muqdisho iyo dowlad-gobolleedyada dalka.

“Waxbarashada xirfadaha waa waddada aan ku dooneyno in aan ku gaarno is beddel is dhin ee shaqo la’aanta dhallinyarada, hadda dugsiyada farsamada ayaa dib loo howlgallinaya gobollada iyo caasimadda Muqdisho” ayuu yiri wasiir Sadiq Warfa.

“Ka wasaarad ahaan waxaan dadaal ku bixinay sidii Waaxdeenna Xirfadaha iyo Tababbarada (TVET) ay u qaadan laheyd door la arki karo.” ayuu ku daray isagoo marka dowladda Jarmalka uga mahadceliyay sida ay uga go’antahay taageerada dowladda iyo bulshada Soomaaliyeed.