HADAL JEEDINTA WASIIR SADIK WARFA EE Soreco Homes Expo 2020

Subax wanaagsan,

 

Farxad weyn ayey ii tahay in aan maanta joogno si aan uga wada hadalno saameynta guryaha iyo doorka dowladdu ku yeelato qeybta shaqaalaha.

Marwalba aan arko dhisme socda waan ku farxaa, Maxaa yeelay waxaan ogahay in ay boqollaal dad ahi ay ka shaqa-geli doonaan waana shaqo abuur saameyn horumarineed ku yeelanaya qoysaska howl wadeennada dhismaha.

Horumarinta hantida maguurtada ah ee Soomaaliya waxaa ay haysaa dhabihii saxda ahaa ee abuurida jawi casri ah, hufan, ammaan ah iyo deegaan wacan oo aysan kaliya ujeeddadu ahayn kor u qaadida bilicda waddanka balse waxaa dheer iny garab socoto shaqooyin la abuuro. Runtii madashani waa mid mudan in la ammaano waxaana jeclaan lahaa shakhsi ahaan inaan u mahadceliyo shaqsi kasta oo arrintan ku lug leh.

Wasaaradayadu waxay si firfircoon ugu hawlan tahay barnaamijka Shaqo Abuurka Dhallinyarada Soomaaliya (YES) kaas oo siiya fursad weyn oo shaqo abuur dhallinyarada. Si aan taas u gaarno waxaan ku jirnaa geeddi-socodka dib-u-dhiska iskuulada tababarka farsamada iyo xirfadda kaasoo dhallinyarada ku qalabeyn doona xirfadaha lama huraanka ah ee lagu qabto shaqooyinka kala duwan.

Intaa waxaa sii dheer, si aan u muujino sida ay nooga go’antahay in aan shaqooyin u abuurno dhallinyarada una siino tababbaro xirfadeed, waxaan u qoondaynay oo aan wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada dhawaan kusoo kordhinay Waaxda tababbarada farsamada gacanta si ay u hormariso una meelayso xirfadaha aan hiigsaneyno ee ku habboon dhallinyaradeenna si ay u noqdaan xirfadlayaal qeyb ka noqda horumarka dhaqaalaha iyo dib u dhiska dhulkeenna Hooyo.

Hormarinta dhismayaasha iyo guryuhu fursad uma aha  kaliya waddanka gudihiisa laakiin sidoo kale dibadana saameyn ayey yeelan. Waxaan u arkaa inay qayb weyn u tahay dhaqaalaheenna dibadda.

Soomaaliya waxay leedahay fursado kala duwan kuwaas oo siinaya kobac iyo horumar. Waxaana da’yarteena, muruq maalkeena, shirkadaheena gaarka loo leeyahay, qurbo-joogteena ku dhiiradey

maalgalinta dalkooda, dhoofinta wax soo saarkeena iyo soo dajinta alaabaha ay nagu dhaweynayaan horumar iyo isku filnaasho dhammeystiran.

 

Mudanayaal iyo Marwooyin,

 

Maalgashiga shaqaalaha Soomaaliya oo ah waddan ka soo kabanaya dagaallo sokeeye waxay yareyn doontaa inaan ku laabano coladdii. Markaa Madalkasto oo horumarineed sida tan hadda aan joogno ee horumarinta guryeynta iyo dhismaha waxay yeelan kartaa saameyn bulsheed iyo mid siyaasadeed oo weyn.

Maal-gashadeyaasha ugu horreeya ee waddanka ma la kulmayaan tartartan adag oo dhanka ganacsiga ah maxaa yeelay  tartameyaasha ayaa yar. waxayna heli doonaan waxa loogu yeero faa’iidada-saanqaad hore. Qadar yar oo lacag ah ayaa Soomaaliya si weyn ugu abaabuli karta dib u soo celinta haybadeeni luntay.

Dowlad ahaan, waxaan sidoo kale qireynaa doorka weyn ee qurbajoogta Soomaaliyeed ay wax kusoo taraan dadkooda. Haddana waxaa ay si aad ah uga qeybqaadanayaan kobaca ganacsi ee dalka. Waxaa la qiyaasayaa, in lacagta loo soo xawilo dalkeena qiyaastii $ 1.4 bilyan ay gaareyso sannadkiiba.

Ganacsatada guryaha ka ganacsata waa inay ka faa’iideystaan kobaca magaalooyinkeenna. Soomaaliya waa mid ka mid ah waddamada ugu xawaareynta badan adduunka dhanka magaaleynta. Dadka ku nool magaalooyinka Soomaaliya waxaa lagu qiyaasaa 6.45 milyan oo qof, oo ka dhigeysa 45% tirada guud ee shacabka.

Waxaan gorowsanahay in aan wali wajahayno caqabado dhanka amniga iyo kaabayaasha ah waxaadna dhamaantiin ila aqbali doontaan in aan u dhowaanay in aan ku guuleysano dagaalka ka dhanka ah argagixisada oo aan ka cirib tireyno dalkeena si uu dib ugu istaago adimihiisa.

Waxaan idinka codsanayaa in idan luminin rajadda aad ka qabtaan waddanka, maxaa yeelay, waddankana wuxuu leeyahay dad idinka oo kale ah oo usoo dhabar adeyga kuna dhiiradey iney maalgashtaan shaqana u abuuraan in badan.

Waxaan ku faaneynaa howsha aad ka geysateen dhismaha qarankeena quruxda badan.

Illaahay ha idin barakeeyo. Illaahay ha barakeeyo Soomaaliya. Guul!!

 

Waad mahadsantihiin.

 

Xildhibaan Sadik Xirsi Warfa

Wasiirka Wasaaradda  Shaqada iyo Arrimaha Bulshada

Jamhuuriyada Federalka ah ee Soomaaliya,