WASIIR KU XIGEENKA WASAARADdA SHAQADA IYO ARRIMAHA BULSHADA OO JAAMICIYIINTA CUSUB U BALAN QAADAY IN LOO SAMEYNAYO SHAQO ABUUR GOOR DHAW.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo maanta ka qeyb galay xaflad qalin jabin 500 Arday, oo ka mid  ah dufcadii koowaad ee Jaamacadda Job-key ayaa lagu soo bandhigan Magaalada  Muqdisho.

Xafladda qalin jabinta oo ay ka soo qeyb galeen mas’uuliyiin faro badan oo kala ah Wasiirro, Xildhibaanno, Agaasimayaal, Waalidiin, Ardaydii Qalin jabineysay, guddoomiyaha Jaamacadda Job-Key iyo  qaar ka mid ah madaxda Jaamacadaha dalka ayaa qudbada aad u faro badan laga soo jeediyay.

Jaamacadda Job-key oo xiriir toos ah la hel Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ayaa ku casuuntay in ay kasoo qeyb galaan Xafladda Qalin jabinta Ardayda   Jaamacadda Job key Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada mudane Cusmaan Libaax Ibraahim iyo Agaasimayaasha Waaxyahay Wasaaradaasi.

wasiir  Cusman Libax Ibraahim 10

Wasiir ku xigeen ahna  Xildhibaan mudane  Cusman Libaax oo ka hadlay xaflada ayaa yiri “ farxad gooni ah ayey ii tahay in aan ka soo qeyb galo xafladda Arday qalin jabineysa oo aad u tiro badan sidaas daraadeed waxaa marqaati ka ahay in ay  ihor fadhiyaan arday aad u faraxsan oo qalin jabineysa ayaga oo dalkooda wax u soo bartay doonayana in ay u shaqeeyaan ummadda Soomaaliyeed”.

 “Hambalyada iyo mahad celinta waxaa iskale waalidiintii soo gaarsiisay Ardaydan in ay qalin jabiyaan, waxaa kaloo mahad celinta labaad is kaleh Mas’uuliyiinta Jaamacada Job-key oo runtii xaalada dalkeena ku sugan yahay oo la wadda og yahay ka fureen Jaamacad soona saartay arday kulyado kala duwan wax ka bartay oo gabdho iyo wiilal  Soomaaliyeed ah”.

 Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo ka faa’iidaysanayay fursada uu kula hadlayay Ardayda iyo Waalidiinta xaflada soo xaadirtay ayaa sheegay in ay dhilinyaradan wax soobaratay ay wasaaradaha xukuumadda Soomaaliya  ugu baahan yihiin shaqo lagu  shaqaaleysiiyo.

 Wasiir ku xigeenka ayaa yiri “Wasaarada Shaqada iyo Arrimaha Bulshada waxay wadaa arrimo badan maadaama ay hawsheedu tahay shaqo iyo shaqaaleyn, waxaa miiska inoo saaran in ardayda Jaamiciyiinta ah sida idinka oo kale in aan shaqaaleyno oo aan shaqo abuur u sameyno, waxaa inoo qorsheysan in aan 25ka wasaaradood ka  bilaawno afarta bilood ee sanadkan 2015 ka harsan in aan  shaqaaleyno ardayda Jaamiciyiinta Cusub ee soo qalin jabisey, waxaana ugu horeeya Ardayda Jaamacadda Job-Key”. sidaana waxaa yiri Wasiir ku xigeenka Wasaarada Shaqada iyo Arrimaha Bulshada

wasiir  Cusman Libax Ibraahim 0

Qudbada Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo aad u xiisad iyo xamaasad gelisay ardayda Qalin jabinesay ayuu wasiir ku xigeenka kula dar daarmay ardayda wax soo baratay in dalka u baahan yahay aqoonyahano wax ku soo kordhiya, sidoo kale waxuu  Jaamacada Job-key ka codsaday in ay wax u qabtaan dadka baahiyaha gaarka lah (Naafada) ayna siiyaan deeq waxbarasho.

Gagabagabadii Munaasabada ayaa Shahaadooyinkoodii la siiyay ardayda xafladda Qalinjabinta ah loo qabtay ee dhameystay waxbarashada heerka koowaad ee Jaamacadda Jobkey kuwaas oo tiradiifdu gaareysay 500.

 Ardeyda maanta ka qalin jebisay jaamacadda Jobkey ayaa waxa ay noqonayaan dufcadii ugu horeysay, waxa ayna jaamiciyiintaani ku biirayaan jaamiciyiin horay uga qalin jebiyay jaamacada kale oo dalka ka jira inkasta oo heerka shaqa la’aanta dalku ay xad dhaaftahay.

wasiir  Cusman Libax Ibraahim 2 wasiir  Cusman Libax Ibraahim 3wasiir  Cusman Libax Ibraahim 1 wasiir  Cusman Libax Ibraahim 4 wasiir  Cusman Libax Ibraahim 5 wasiir  Cusman Libax Ibraahim 6 wasiir  Cusman Libax Ibraahim 7 wasiir  Cusman Libax Ibraahim 8 wasiir  Cusman Libax Ibraahim 9 Abdirashid Abdulahi Haydar.1jpg Abdirashid Abdulahi Haydar ismaciil dheere job key.1jpg???????????????????????????????Jobkey un iversity