WASAARADDA SHAQADA IYO ARRIMAHA BULSHADA AYAA KU MARTI GELISAY GUDDIGA HIIGSIGA CUSUB (NEW DEAL) SI AY UGA DHEGAYSATO FAAHFAAHIN IYO WARBIXINO

Shir looga hadlayo Barnaamijka Higsashada Cusub (New Deal) ayaa ka furmay Xarunta dhexe ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, waxaana lagu marti geliyay guddiga Hiigsiga Cusub ee (new Deal)Ka Soomaaliya si ay sharaxaad dheeri ah u siin lahaayeen Mas’uuliyiinta iyo Shaqaalaha Wasaardda qaabka uu u socdo barnaamijka hiigsiga cusub ee  Soomaaliya.

Ag. Cadde

Waxaana  shirka ka soo qeyb galay dhamaan  Agaasimaha Guud,  Agaasimayaasha waaxyaha , Madax qeybeeydada iyo qaar ka mid ah Shaqaalaha Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, waxeyna ka doodeen doorka kaga aadan qodobada PSG 4 iyo PSG 5 oo quseeya  Shaqooyinka iyo Arrimaha Bulshada oo ay wasaaradani mas’uul kaga tahay xukuumada federaalka Soomaaliya .

 

waxaa shirka furay  Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada mudane Maxamed Cadde Mukhtaar oo ka warbixiyey argtida fog ee ay wasaaradda ka leedahay qorsha Higsiga Cusub (New Deal) ee ku wajahan mustaqbalka Shaqaalaha Soomaaliyeed.

 

“ marka hore waxaan soo dhaweynayaa guddiga ACU ee New deal Soomaaliya in ay soo booqdaan Xarunta dhexe ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, waxaan idinka filaynaa in aad  soo bandhigi doontaa qorshaha dowladda u diyaarisay ee New Deal-ka oo ka turjumaya baahiyaha kala duwan ee ka jira dalka Soomaaliya, gaar ahaan PSG-yada quseeya wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada” Ayuu yiri Agaasimaha Guud.

 

Ugu dambeyntii waxaa la gudda galay faahfaahinta iyo warbixinada Higsiga Cusub ee ay ugu soo talo galeen guddigii maanta soo gaaray Wasaaradda.

“Waxaa fure u ah hirgalinta Higsiga Cusub (New Deal) xoojinta amniga iyo walaaleynta shacabka Soomaaliyeed waana arrin u baahan in had iyo jeer lagu baraarugsanaado, waxayna masuuuliyadeedu saarantahay ummadda Soomaaliyeed. PSG yada waa shan qeyb oo  shaqooyinkooda kala duwan yihiin. Waxaan ku guuleysanay in la hergeliyo Mashruuca in shaqooyin loo abuuro dhalinyarada kaas oo ah mid koowaad ee lagu guuleystay in dhaqaale gaarayo 54 million loo helo.” Sidaasi waxaa sheegay xubnaha guddiga

 

Shirka  ayaa ku soo dhammaaday guul iyo  isfahan oo ku aad hirgalinta Higsiga Cusub (New Deal).