Wasiir ku Xigeen Mr. Cusmaan Libax  iyo mas’uuliyiin kale oo kormeeray Xarunta Tababbarka Farsamada Warshadaha (GTZ) iyo Xarunta Daryeelka Naafada

Wasiir ku Xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada  ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ay wehliyaan mas’uuliyiin ka socatay dalka Jarmalka oo u qaabilsan gargaarka arrimaha Bulshada  iyo mas’uuliyiin kale ayaa maanta booqday Xarunta Tababarka Farsamada Warshadaha (GTZ) iyo Xarunta Daryeelka Naafada

Mas’uuliyiintan ayaa kormeeray fasallada Tababbarka Farsamada Warshadaha (GTZ) ay wax ku baranayeen iyo qeybaha kale ee lagu xannaanneeyo dadka Naafada ah ee  Xarunta Daryeelka Naafada.

Xasan Maxamed Guutaale  (Xasan Farey) oo ah Agaasimaha Xarunta Tababbarka Farsamada Warshadaha (GTZ) ayaa mas’uuliyiintii xarunta booqday waxa uu uga warbixiyay xaaladda ay ku sugan tahay Xarunta Tababbarka Farsamada Warshadaha (GTZ), asagoo ugu baaqay dadka Soomaaliyeed gaar ahaan qurba- joogta iyo hay’adaha caalamiga ah in ay gacan ka geystaan sidii dib loogu celin lahaa xarumihii wax lagu baran jiray sida Xarunta Tababarka Farsamada Warshadaha ee (GTZ).

Mas’uuliyiin ka socatay dalka Jarmalka  oo matalayay hay’ad gargaar oo arrimaha bulshada ah oo lagu magacaabo (Tuisa Hilft) Mr. Sahin Mohammed Omar iyo El Ghoulbzour Abdeslam Deutsch  ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsanyihiin in ay soo gaaraan magaalada Muqdisho ayna soo booqdaan xarun ay dalka Jarmalka ka  dhiseen waagii hore dalka Soomaaliya” waxaan ballan qaadeynaa in aan gaarsiinno mas’uuliyiinta  hay’adda (Tuisa Hilft), baahida iyo  burburka soo gaaray xaruntan (GTZ), waxaanna xoogga saareynaa in aan u abuurno marshuuc ay ka faa’iideysanayaan dhallinyaradda Soomaaliyeed.

Garmany 9

Wasiir ku Xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Mudane Cusman Libaax Ibraahim  ayaa uga mahadceliyay mas’uuliyiinta ka socotey dalka Jarmalka  kormeerka ay ku yimaadeen Xarunta Tababbarka Farsamada Warshadaha ee (GTZ) iyo Xarunta Daryeelka Naafada , isagoo mahad gaar ah u jeediyay Agaasimaha Xarunta Tababbarka Farsamada Warshadaha ee (GTZ)  iyo  Agaasimaha Daryeelka Naafadda  Mudane Shariif Adan Maxamed sida ay u jecelyihiin in xarumahani  dib loo hawlgeliyo laguna soo celiyo sidii ay ahaan jireen beri-samaadkii.

“Dowladda waxa ay hadda u jeedsatay dib u soo celinta xarumaha dalka ee wax ku oolka ahaa ee loogu faa’ideyn jiray Bulshada Soomaaliyeed iyo  fursado shaqo- abuuris ah iyo tababaro la siinayo, marka dowladda Jarmalka  iyo hey’addan waxaan ka rajeyneynaa in ay taageeraan shacabka  Soomaaliyeed wixii ay awoodaanna u qabtaan ” ayuu yiri Wasiir ku xigeen Cusman Libaax .

Xarunta Tababarka Farsamada Warshadaha ee (GTZ) iyo Xarunta Daryeelka Naafada  ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa gacanta ku haya oo ay ka tirsan yihiin  wasaaradda shaqada iyo Arrimaha Bulshada  ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Garmany 3jpgGarmany 1 Garmany 12 Garmany 11 Garmany 10  Garmany 8 Garmany 7 Garmany 6 Garmany 5 Garmany 4  Garmany 2 Xasan Farey iyo W Libaax   Garmany 19 Garmany 18 Garmany 17 Garmany 16 Garmany 15 Garmany 14 Garmany 13Garmany 20Garmany 21