Wasiir Dr. Maxamed Cilmi oo kulan la qaatay Guddiga Dhaqan-galinta Siyaasadda Jaangoynta Darajooyinka iyo Mushaaraadka Shaqaalaha Rayidka

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Dr. Mohamed Elmi Ibrahim ayaa maanta oo taariikhdu tahay 23 july, 2023, kulan shaqo la qaatay Guddiga Dhaqan-galinta Siyaasadda Jaangoynta Darajooyinka iyo Mushaaraadka Shaqaalaha Rayidka.

Kulanka ayaa waxaa Wasiirka ku wehlinayay Wasiir Dawlaha Wasaaradda Mudane Yuusuf Maxamed Aadan iyo Guddoomiyaha Guddiga Qaranka ee Shaqaalaha Rayidka Dawladda mudane Xasan Abshiroow Maxamed .

Guddiga ayaa intuu shirku socday waxay Wasiirka u soo bandhigeen wixii u qabsoomay inta ay magacaabnaayeen, Qorshe Hawleedka ay ku Hawlgalayaan iyo Habraacyo ay diyaariyeen oo lagama maarmaan u ah fulinta Siyaasadda Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya .

Wasiir Dr . Mohamed Elmi Ibrahim ayaa wuxuu bogaadiyey Shaqada wanaagsan oo ay Guddigu hayaan, wuxuuna faray in ay muhiimad gaar ah Dawladdu siinayso dib u haynta Shaqaalaha Rayidka Dawladda si ay Dawladdu u awoodo in ay adeeg hufan siiso Shacabkeeda.

=Dhammaad =

Xafiiska Warfaafinta iyo Xariirka Dadweynaha
Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Soomaaliya . https://molgov.so/
Address: Shangaani, Mogadishu, Somalia.