Munaasabad xil wareejin oo ka qabsoontay xarunta wasaaradda shaqadda iyo arrimaha bulshada

Muqdisho, July, 12, 2023 – Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr.Maxamed Cilmi Ibrahim ayaa maanta si rasmi ah xilka ugala wareegay wasiirkii hore ee Wasaaradda , Mudane Biixi iimaan Cige , kaddib munaasabad ka dhacday xarunta Wasaaradda oo uu goobjoog ka ahaa Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka soomaaliya mudane Xamze Cabdi Bare.
Xafladda waxaa kalo ka qeybgalay Xildhibaanno ka tirsan labada gole ee Baarlamaanka, howlwadeennada Wasaaradda iyo mas’uuliyiin kale.
Agaasimaha Guud ee wasaaradda mudane Yuusuf Xassan Isaaq oo bilowga hadalka qaatay ayaa soo dhaweeyay dhamaan masuuliyiinta iyo marti sharfta kale ee ka soo qeybgashay munaasabadda xilwareejinta, wuxuna Wasiirka cusub ee wasaaradda ugu hambalyeey xilka loo magcaabay wuxuna ilaah uga baryay in xilka culus ee loo dhiibay la garab galo.
Wasiirkii hore ee Wasaaradda, Mudane Mudane Biixi iimaan Cige ,ayaa sheegay muddadii uu joogay xafiiska inuu dadaal ku bixiyay sidii sare loogu qaadi lahaa Howlaha wasaaradda, wuxuuna soo hadal qaaday in shuruuc dhowr oo muhiim u ah Dalka la hirgeliyay , kuwa kalana la ansixiyay. Wuxuu inta ku daray inuu wasiirka cusub kala shaqeyn doono sidii horey loogu sii wadi lahaa shaqooyinka ay qabaneyso wasaaradda.
“Waxay ii tahay sharaf inaan qayb ka ahaado taariikhda Wasaaraddan” ayuu yiri Wasiirkii hore ee wasaaradda. Wasiir Biixi iimaan oo inta ku daray “Muddadii aan hoggaaminayay Wasaaraddan waxaan ku dadaalay inaan dhiso hay’ad gudan karta waajibaadka qaranku u idmaday. ”
Wasiirka xilka la wareegay , Dr.Maxamed Cilmi Ibrahim ayaa sheegay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada inay laf-dhabar u tahay horumarinta bulshada iyo dowladnimada, wuxuuna uga mahadceliyay wasiirkii hore dadaalladii uu ku bixiyay horumarinta Wasaaradda.
“Waxaan dadaal ku bixinaynaa sidii horey aan ugu sii wadi lahayn wasaaraddan muhiimka u ah bulshada Soomaaliyeed , waqtiga aan heysanno waxaan xoogga saari doonaa dardargalinta howlaha wasaaradda.” ayuu yiri Wasiirka cusub ee wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Dr.Maxamed Cilmi Ibrahim.
Gabagabadii, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Bare ayaa boggaadiyey shaqooyinkii uu soo qabtay Wasiirkii Hore, isaga oo Wasiirrka Cusub ugu hambalyeey wajibaadka qaran ee uu bulshada u qaaday, sidoo kale waxa uu Raisal wasaaraha carabka ku adkeeyey in wasaaradda ay der dergeliso nidaamka dib u habeynta loogu sameenayo shaqaalaha dowladda.
—Dhammaad—