Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo dhallinyarada ku dhiirrigalisay Shaqooyinka Farsamadda Gacanta

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda ee Soomaaliya ayaa maanta u dabaal-degtay xuska maalinta caalamiga ah ee dhallinyarada Adduunka,iyada oo hadafka qaran ee wasaaradda uu yahay shaqo siinta dhallinyarada , si dhallinyaradda loo siiyo xirfaddo ku habboon iyo fursaddo shaqo oo u qalma marka ay soo galaan suuqyadda shaqada ama shaqo doonka ay yihiin.

Munaasabadda oo diiradda lagu saaray shaqooyinka farsamadda gacanta ayaa waxaa ka qaybgalay, mas’uuliyiinta sare ee wasaaradda, xubno ka socday dadka ku shaqeeya farsamadda gacanta ee guulaha la arki karo ka gaaray. Waxaa soo qaban qaabiyay xuska mashruuca shaqo abuurka dhallinyarada Soomaaliyeed ee loo soo gaabiyo YES.

Agaasimaha Qorsheynta ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Salaad Xuseen Cabdulle ayaa xuska ka sheegay in farsamadda gacanta oo xoogga la saaro lagu gaari karo horumarka ay bulshada dooneyso, wuxuuna tilmaamay farsamadda gacanta inay xal u tahay shaqo la’aanta heysata dhallinyarada.

Professor Yuusuf Salaad, oo ka tirsan wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada iyo mashruuca shaqo abuurka dhallinyarada Soomaaliyeed ee YES, ayaa caddeeyay in dhammaan aysan dhici karin xafiisyo inay wada fashistaan dhallinyarada, wuxuuna si taas looga baaqsado uu sheegay inay muhiim tahay xirfadaha in la furto, isagoo marka tilmaamay inay jiraan Arday badan oo waxbarashada markii ay dhammeysatay dib u billaabay barashada farsamadda iyo xirfaddaha si ay u helaan shaqooyin wanagsan.

Cali Ibraahim Cabdi oo muddo ku soo dhex jiray farsamadda gacanta ayaa munaasabadda ku soo bandhigay xirfaddiisa guuleysatay ee ka qaybqaadatay nolasha inuu guul ka gaaro.

” Anniga xilliga aan waxbarashada ku jiray waxaan jeclaaday gabar, arrintaa waxaan la wadaagay Hooyaday, waxay isoo dirtay lacag $300 ah, iyada oo ii raacisay inay lacagtaa tahay middii ugu danbeysay ,maxaa yeellay waxay rabtay inan waxbarashada dhammeystiro, markii aan guursaday oo tallo igu ciirtay, waxaan u tagay qolooyin farsamada gacanta ku shaqeeya oo aan dhex galay, maanta farsamaddii aan bartay iskada inan reerkeyga ku kaafiyo, dhallinyaro ayaan shaqaaleysiiyay.” Ayuu yiri Cali.

Guddoomiyaha golaha dhallinyarada qaranka, Cabdixaafid Xuseen Axmed, ayaa isna yiri  ” Dhallinyarada oo bulshada Soomaaliyeed lambarka ugu badan ah maanta in lagu jiheeyo farsamadda gacanta , waxay sahleysa in si dhibyar looga gudbo dhammaan caqabada heysa oo shaqo la’aanta ugu horreyso.”

Gabagabada, waxaa munaasabadda lagu xusay maalinta dhallinyarada adduunka soo xiray Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Maxamed Cadde Mukhtaar , wuxuu yiri” Dhallinyarada waxay laf-dhabar u yihiin bulshada, waxaana la jooga xilligii dhallinyarada Soomaaliyeed ay dunidda ku soo kordhin lahaayeen hal abuur farsamo.”