Fasaxa Hijiryada Sannadka Cusub ee Muslimiinta

Ku: Dhammaan Hey’addaha Dowladda
Og: Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada
Og: Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha J.F.S
Og: Xafiiska Madaxweynaha J.F.S

Ujeeddo : Fasaxa Ciidda Hijiryada ee 1441

SANNAD WACAN:

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada waxay ku wargelineysaa Dhammaan Hey’addaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliyeed iyo Hey’addaha Gaarka loo leeyahay Shaqaalahooda in ay tahay fasax Ciidda Sannadka Cusub ee Muslimiinta ee Hijiryada maalinta Berri Sabti ay taariikhdu tahay 31/08/2019 ama 01-01-1441H. kuna beegan maalintaas qiimaha & qaddarinta ku leh Muslimiinta Caalamka, gaar ahaan Ummadda Soomaaliyeed.

Waxaan u rajeynaynaa dhammaan Umamadda Soomaaliyeed in ay ku Ciiddaan maalintii uu nabigeena Suuban NNKHA ka hijroodey Magaalada Maka una hijrodey Madiina

Wada shaqayn wacan

K/S Agaasimaha Guud ahna Agaasimaha Maaliyadda
Sifiya Abuukar Karaani