wasaaradda Shaqada iyo arrimaha Bulshada iyo wasaaradda  Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka oo Ka Wada Hadlay xuquuqda Caruurta Soomaaliyeed.

Wasiirka  Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada H.E. Saalax Axmed Jaamac  ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wasiirada wasaaradda Haweenka iyo  xuquuqul Insaanka  marwo Deeqa Yaasiin oo hogaamineysay qaar ka tisan  masuuliyinta wasaaradaas, sida  madaxa CRC Cabdishakuur Xabiib Hayir oo u qaabilsan Arrimaha  xuquuqda caruurta ee wasaaradda Haweenka  iyo xuquuqul insaanka.

wasiirka  Shaqada iyo  wasiirka Haweenka  ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo wada shaqeynta   ka dhaxeeya labada wasaaradood iyo sidii kor loogu qaadi lahaa qaabka loo wajahayo Arrimaha xuquuqda aadamaha gaar ahaan xuquuqda caruurta la shaqaalaysiinayo. Sidoo kale, xubnaha Agaasimayaasha iyo lataliyeyaasha wasaarada shaqada ayaa iyagana su’aalo iyo talooyin  ku soo biiriyay kulanka wasiirada.

 

Labada wasiir ayaa isla gartay qorshe lagu sameynayo sharuucda iyo siyaasadaha (Policy) looga hortagayo ku shaqeysiga Caruurta Soomaaliyeed oo ay ku midaysan yihiin labada wasaaradood sida uu soo jeediyay wasaaradda Shaqada iyo arrimaha Bulshada

 

wasiir  Saalax  Ahmed Jamac  ayaa sheegay in wasaaridiisu ay ku bixinayso dadaal dheeri ah sidii looga miro dhalin lahaa qorshayaasha ku aaddan xoojinta iskaashiga sharciga xuquuqda caruurta iyo siyaasada looga hor tagi karo ku shaqeysiga Caruurta.

 

Deeqa Yaasiin, wasiirka haweenka iyo xuquuqda aadanaha ee xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa xustay in geedi socodkan wada shaqenyta labada wasaaradood waxay tiri “waan soo dhaweynayaa in ay wada shaqeeyaan dhammaan mas’uuliyiinta labada wasaarad, caalamkana waxuu naga sugayaa  warbixin maadaama aan soo saxiixnay heshiiska  caalamiga ee caruurta, howshan inoo bilaabatay ayaa ahaan doonta mid  daah furan oo laga wada qeybgalay”.

 

Ugu dambeyn wasiirada ayaa  carabka ku dhufatay in ay ku dadaaleyaan sidii loo soo saari lahaa sharci iyo warbixin u qalan xuquuqda Caruurta Soomaaliyeed.

 

MOLSA & W Haweenka 9 MOLSA & W Haweenka 8 MOLSA & W Haweenka 7 MOLSA & W Haweenka 6 MOLSA & W Haweenka 5 MOLSA & W Haweenka 4 MOLSA & W Haweenka 3 MOLSA & W Haweenka 2 MOLSA & W Haweenka 1MOLSA & W Haweenka 01MOLSA & W Haweenka 10