Wasaarada Shaqada iyo ILO oo  tababar sahanka Suuqa Shaqada u furtay Dhalinyaro  Soomaaliyeed

 Hay’adda ILO oo ka mid ah hay’adaha la hawl gala Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ayaa maanta Tababar socon doona muddo 3 maalmood ah oo sare loogu qaadayo aqoonta sahanka Suuqa Shaqada  Dhalinyaro  Soomaaliyeed   uga  furtay  magaaladda Muqdisho.

Tababarka oo ay ka soo qayb galeen dhalinyaro  ka kala socotay gobolada iyo degmooyinka dalka ayaa waxa si wada jir ah u soo qaban qaabiyay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshda,  ILO iyo hay’adaha African Development trust (ADT).

Furitaankii Tababarka ayaa ugu horeyn waxa halkaa ka hadashay Najma Ismaaciil  oo ka socotay hay’ada ILO, waxana hadaladeeda  ka mid ahaa

“Qorshaha howshan laga leeyahay waa in bulshada ku dhaqan degmooyinka iyo gobollada loogu sameyn lahaa sahanka Suuqa Shaqada , laga caawiyo horumarinta awoodda shaqo iyo sidii adeegyada loo gaarsiin lahaa shacabka degmooyinkaas ku nool,” “waxan rajaynayaa in mashruucani noqon doona mid guulaysta, ujeedada ugu muhiimsani waa siddii aanu marka hore dhalinyarada u bari lahayn sahanka Suuqa Shaqada , xirfadooda ayaa la horumarin doonaa” ayey tiri mas’uul ka socday ILO.

Mubashir Maxamed  Axmed oo ka socday   African Development trust ADT oo isaguna ka hadlay munaasibadii furitaanka siminaarka ayaa waxa uu yiri “ siminaarkani waa mid wax weyn ka taraya shaqo abuurka, waa mashruuc la doonayo in qofku markuu business barto caawinaya, wadankeenaa shaqo la’aanta ayaa ku badan waayo dhalinyaradu ma helaan tababaro farsamadooda lagu horumarinayo, waxan rajeynayaa in waxbarashada aad halkan ka barataan idinka caawin doonto sahanka Suuqa Shaqada”.

Agaasimaha Waaxda Xiriirka Guud iyo Isgaarsiinta  ee Wasaaradda  Shaqada iyo Arrimaha Bulshada , Cabdirashiid Cabdulahi Xaydar oo isagu si rasmi ah u furay munaasibada ayaa waxa hadaladiisii ka mid ahaa “tababarkani waa mid fiican oo ah habka loo yaqaano bilaabo adigu shaqadaada, idinkaa la idinka rabaa in aad dhalinyarada kale gaarsiisaan waxa aad halkan ka barateen, intaad halkan joogtaan waxan idinka codsanayaa inaad casharada si wanaagsan u dhuuxdaan”.

Saminaarka   waxaa Macalin ka ahaa Mr. Martin Mati oo ah qabiir ILO -da usoo xilsaartay fulinta tababarka dhalinyarada la barayo  Sahanka Suuqa Shaqada ( Labor Market assessment) , Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada waxay u soo dirtay xubno goobjoog ka ahaado habsami u socodka tababarka