Warbixin ka qeybgalka shirka Shaqaalaha Wadamada Carabta

Dowladda Soomaaliya oo ka qeybgalaysa shirka shaqaalaha Wadamada Jaamacada Carabta oo sanadkan lagu qabanaayo dalka Masar

Wefdi  uu hogaaminayo Wasiirka Wasaaradda shaqada iyo arrimaha bushada  Xukuumada Soomaaliya  mudane  Luqmaan  Sheekh  Ismaaciil  ayaa maanta    safar shaqo ugu ambabaxay dalka Masar  kalkaasi oo uu kaga qayb galayaan    shirka 41   ururka Shaqaalaha Wadamada Jaamacadda Caranta oo sanadle ah, kaas oo  sanadkan lagu qabanayo  magalada Qaahira ee casimadda Wadanka Masar .

Shirkaasi    ayaa  sanadkaan   waxaa diiradda lagu saari doonaa     dhibaatooyinka haysta  shaqaalaha  Wadamada Jaamacadda Carabta  oo ay kamid tahay isku xir la’aanta ka jirta  shaqaalaha Wadamada Jaamacadda Carabta, sidii  wax looga qaban lahaa  shaqo la’anta ka jirta Wadamada Jaamacadda Carabta iyo dejinta qorshaha horumarineed ee  sanadka 2015 –ka ee shaqalaaha  Wadamadaasi.

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha bulshada ee xukuumadda  Soomaaliya mudane Luqmaan Sheekh Ismaaciil oo inta uusan ka duulin garoonka diyaaraha ee Muqdisho la hadlay Saxaafadda ayaa sheegay in shirka looga hadli doono arimo aad u muhiim ah oo quseeya shaqaalaha Wadamada Jaamacadda Carabta, asagoo sheegay in ka qeybgalka dowladda Soomaaliya ee shirkaasi ay ka dhigan tahay in Soomaaliya ay ku soo laabatay saaxada caalamka.

Wasiirka oo ka qeyb galay shirka Jaamacada  carabta ee Qaahira Intii uu shirka socday wasiirka wuxuu kulama Gaar Gaar ah la qaatay Wasiirada Dowladaha Carabta oo ay ka mid ahaayeen:

1-Wasiiradda Wasaarada Shaqada ee dalka Sudan oo uu wasiirku kala hadlay arrimo dhawr ah haba u badnaatee sidii 2da wasaaradood wada shaqeyn u dhex mari laheyd Sida:(Taba barada, khibradaha iyo arrimo kale oo dhawr ah, sidoo kale wasiiradda dalka sudan ayaa dhankeeda  aad usoo dhaweysay kulankaas.

2-Wasiirka ayaa  wuxuu la kulamay Wasiirka Dalka Cumaan oo ka mid ah dowladaha Dalkeena Sida aad ka ah udaneynayaan in ay wada shaqeyn balaaran dhex marto kana codasaday wasiirka wasaaradda iyo wafdi ka socodo wasaaradda in ay booqasho ku yimaadaan Dalaka cumaan si ay uga faa’ideestaan khibrada shaqo ay wasaaradu leedahay.

Sidoo kale in Tababaro ugu sameeyaan shaqaalaha wasaaradda Shaqada Dalka ee xukuumadda Soomaaliya.

3-Wasiirka ayaa shirkaasi ku  qaabilay Wasiiraka Dalka kuweyt ahna Gudoomiyaha Isu taga Shaqaalaha Carabta ee dalalka Khaliijka.

2da Wasiir ayaa waxay iyagu ka wada hadleen arrimo dhowr ah waxaana ka mid ahaa Dib u habeynta Xaruntii Hore ee wasaaraada shaqada oo iyada aan hada shaqeyn, sidoo kale kala Shaqeynta Sharciyada Shaqaalaha Dowladda.

4-Wasiirka ayaa wuxuu qaabilay Wasiirka Shaqada Dalka Qatar oo isaga ah wasiiradda ugu muhiimsan ee aadka u daneynayaan Arrimaha Siyaasada dalka Soomaaliya iyo hormarintiisa.

shir carabta 2

Sidoo kale Wasiirka Wasaaradda iyo Madaxa Hey’adda Shaqaalaha Aduunka ee Magaceda loo soo gaabiyo (ILO) ayaa hashiis Wada Shaqeyn iyo Shaqo abuur in loo sameeyo dhalinyaradda ayay kuwada Saxiixday isla Magaalada Qaahira ee Dalka Masar.

Ugu Dambeyn Wasiirka Wasaaradda Mudane Luqmaan Ismaaciil Maxamed ayaa Shirkaas kasoo jeediyay khudbad Taabatay meelo fara badan,soona jiidatay quluubta madaxda carbeed ee soo xaadirtay shirkaasi

Gaar ahaan Shaqo la’aanta ka jirto Dalkeena iyo baahida loo qabo In dhalinyarada ay helaan Fursadao Shaqo isla markaana ka dalbaday Dalalka Carabta ee aynu walaalaha nahay in ay ka Saacidaan Hormarinta iyo Tababarka Shaqaalaha Dowladda Soomaaliyeed.

Wasiirka ayaa wuxuu kusoo gaba gabeeya khudbadiisa in ay midoobaan Dowaldaha Carabta, una soo bandhigay fikrad ah in dhalin yarada loo abuuro fursado shaqo si loo bad baadiyo Mustaqbalka Dhalin yarada Carbeed oo iyagu ku baaba’een Badaha iyagoo Si sharci Daro ah ku doonayo in ay ku galaan wadamada reer galbeedka iyo ku biirida Qolooyinka Xag jirka ah ee mudooyinkaan kusoo badanaayaan wadamada Carabta.

Maxamed Cabdi Abuubakar  (SUUDANI)

Xoghaynta Wasiirka  ahna Madaxa Qeybta Hormarinta Mashaariicda Carabta.

  28/09/2014.