WAFDI UU HOGAAMIYANAYO WASIIRKA SHAQADA IYO ARRIMAHA BULSHADA  SOOMAALIYA OO SHIR CAALAMI AH KAGA QEYB GALAYA GENEVA.

 Wafdi uu hogaminayo Ra’isulwasaare kuxigeenka Dowladda Federalka Soomaaliya iyo Wasiirka Shaqada iyo Arimaha Bulshada eyna xubin kayihiin IsuTagga Ururweynaha Shaqaalaha Soomaaliyeed (ITUSS) iyo Rugta Ganacsiga Soomaliyeed ayaa gaaray Magaalada Geneva, Switzerland oo ah Xarunta Ururka Shaqaalaha Dunida (ILO), halkaas oo ay uga qayb galayaan shirka 104-aad ee ururada shaqaalaha dunida.

 

Wafdigaan oo ka anbabaxay magaalada Muqdisho 01/06/2015 ayaa garay xarunta ILO waxaana si diiran halka sugu soo dhaweeyey Safaarada Soomaliya.Wafdigaan ayaa halkaas uga qaybgalaya shirka104-aad eeururka shaqaalaha caalamiga kaasoo socon doona mudo laba usbuuc ah.

 

Wafdiga ugu qayb galaya Soomaaliya ayaa waxa hogaaminaya Ra’isulwasaare kuxigeenka Dowladda Federalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cumar Carte waxaana xubno ka ah:

 

1.            Wasiirka Shaqada iyo Arimha Bulshada, Mudane Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudeey

 

2.            Gudoomiyaha Isutagga Urur Weynaha Shaqaalaha Soomaaliyeed, Mudane Maxamed Cismaan Xaaji

 

3.            Xoghayaha guud ee Isu Tagga Urruweynaha Shaqalalaha Soomaaliyeed, Mudane Cabdulqaadir Cabdiraxmaan Maxamuud

 

4.            Gudoomiye kuxigeenka Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed , Mudane Cabdiraxmaan Cabdullahi Aadam (Galaanbe)

 

Shirkan oo sanadkiiba mar la qabto ayaa lagu falanqeeyaa duruufaha shaqo ee ka jira wadamada xubnaha ka ah ururka shaqaalaha dunida kaasoo ay kazoo qaybgalaan wasaradaha arimaha bulshada iyo shaqalaha iyo ururada shaqaale ee xubnaha ka ahaa ururka shaqaalaha dunida ( ILO) kaas oo uu si rasmi ah u matalaya kuna codeyndoono magaca Soomaaliya Gudoomiyaha IsuTagga Urur Weynaha Shaqaalaha Soomaaliyeed, Mudane Maxamed Cismaan Xaaji Cali.

 

Waa markii ugu horeysay oo ay soomaliya si wadajir ah uga qeybgasho shirka caalamiga ah ee ILO intii ay dagaalada kasocdeen Soomaaliya , waana guul weyn oo usoo hoyatay umada Soomaaliyeed.

geneva 1 geneva 2