Xaflad Xil-wareejin ah lagula kala wareegay Xilka Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo Muqdisho ka dhacday.

Xaflad Xil-wareejin ah oo lagula kala wareegay Xilka Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo Muqdisho ka dhacday.

28/05/2015

Waxa Saaka Xaflad Xil-wareejin ah oo lagula kala wareegay Xilka Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo uu Dhawaan Ra’iisul wasaaraha usoo Magacaabay Agaasime guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada in uu yahay Mudane Maxamed Cadde Mukhtaar, isaga oo xilka kala Wareegay Agaasimihii Hore ee Wasaaradda Shaqada iyo arrimaha Bulshada Mr. Aweys Sheakh Xaddad.

Xaflada loo sameeyay xil-wareejinta Agaasimaha cusub,  waxa ka qaybgalay Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Mudane Cusmaan Libaax Ibraahim,  gudoomiye ku xigeenka Shaqaalaha rayidka ee Dowlada Mudane Cabdikariin Sheekh Xasan, Agaasimayaasha Waaxyaha, marti sharaf iyo Agaasimaha cusub ee xilka loo tiriyay.

Ugu horayn, Agaasimahii hore Aweys Sheakh Xaddad oo hadal kooban ka jeediyay munaasibadaa, waxa uu ka waramay ahmiyada ay ku laheyd muddadii uu agaasimaha ka ahaa  wasaaraduna ay aheyd mid loogu adeego bulshada gaar ahaan Shaqaalaha Soomaaliyeed

Agaasimaha cusub ee loo tiriyay xilka oo isna halkaa ka hadlay, waxa uu ku dheeraaday muhiimada ay leedahay isku-xidhnaanta iyo wada-shaqaynta hawlwadeenada kala duwan ee Wasaaradda. Waxa uu sheegay in loo baahan yahay in maamulka iyo shaqaalaha Wasaaradda si dhow u wada shaqeeyaan, wuxuuna tilmaamay kor u qaadida tabobarada iyo baahiyaha Wasaaradda oo uu sheegay in loo baahan yahay in kor loo qaado.

Agaasimaha cusubi waxa uu balanqaaday inuu si wanaagsan u gudan doono hawsha xilka loo dhiibay ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.

Guddoomiye ku xigeenka Guddiga Shaqaalaha Rayidka ee Dowladda oo isna hadal kooban ka jeediyay halkaas, waxa uu ka waramay adeegyada wasaaradda ay  bulshada u qabto, wuxuuna tilmaamay in Guddiga Shaqaalaha Rayidka ee Dowladda ay la shaqeynayaan Agaasimaha Guud ee maanta xilka loo tiriyay.

Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Cusmaan Libaax Ibraahim  oo gebogebadii munaasibadaa xil-wareejinta ka hadlay, waxa uu sheegay in aanu Agaasimaha guud  waxba qaban karin, haddii aanay la shaqaynin dhamman mas’uuliyiinta  Wasaaradda iyo Guddiga Shaqaalaha Rayidka ee Dowladda. Wasiir Kuxigeenku waxa uu sheegay in wasaaradu tahay Hooyada Wasaaraddaha dalka oo dhan, loona baahan yahay in horumarinteeda laga wada shaqeeyo.

Xaflada Xil-wareejinta  Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ayaa ku idlaatay jawi farxadeed iyo balanqaadyo wada shaqeyn

xil warejin Ag Cadde 1xil warejin Ag Cadde 2xil warejin Ag Cadde 3xil warejin Ag Cadde 4xil warejin Ag Cadde 5xil warejin Ag Cadde 6xil warejin Ag Cadde 7xil warejin Ag Cadde 8xil warejin Ag Cadde 9